Hilibka Dameeraha oo qaali ka noqday mid ka mid ah dalalka Afrika oo laga cuno

0
104

SHIINAHA:- Qiimaha dameeraha ee Kenya ayaa seddax jibbaarmay lixdii bilood ee la soo dhaafay sida ay sheegtay Hay’ad udoodo arrimaha xayawaanka.

Sare u kaca ayaa yimid ka dib markii dalabka Shiinaha oo batay, halkaasoo dameeraha looga adeegsado dawo dhaqameed, iyadoo Sidoo kale, Shiinaha waxaa laga cunaa hilibka dameeraha oo loo arko mid aad u macaan.

Tirada dameeraha ku nool Shiinaha ayaa aad hoos ugu dhacday, waxayna taasi soo jiidatay suuqa Bariga Afrika, sida ay sheegtay hay’adda u dooda xuquuqda xayawaanka ee fadhigeedu yahay Ugandha.

Haragga dameeraha ayaa sidoo kale la kariya waxaana laga soo saaraa maado loo yaqaano Gelatin, oo ah dawo dhaqameed Shiinaha looga garanayo Ejiao.

Waxaa maadadaas lagu daaweeyaa hergebka, dhiig-yaraanta iyo caado wareerka, waxaana lagu iibsadaa illaa $388 dollar, kiiladii.

Dalal dhowr ah oo Afrika ayaa mamnuucay in dameeraha loo dhoofiyo Shiinaha, waxayna sheegeen in Suuqyada gudaha ay saameyneyso, waxaana ka mid ah dalalka Ugandha, Tanzaniya, Botswana, Niger, Burkina Faso, Mali, iyo Senegal.

Waxaa lagu warramayaa in dameeraha qaar laga soo qaado dalalka deriska la ah Kenya, la qalo ka dibna Shiinaha loo dhoofiyo.

LEAVE A REPLY