Dhacdo:- Labo qoys oo ku murmay Meydka wiil ku dhintay Qaraxii Isgoyska Zoope

0
88

MUQDISHO:-Dhacdadaani ayaa ka dhacday Isbitaal Madiina ee magaalada Muqdisho, kadib markii laba qoys ay isku qabsadeen Meydka wiil da’ yar oo ku naf waayay Qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoope.

 

Qoysaska ku heshiin waayay meyda wiilka da’da yar ayaa waxaa isbitaalka ku dhexmaray muran socday saacad iyo bar, xili dadkii dhaqaayay Meydka ay ahaayen kuwo dultaagnaa.

Meydka wiilka oo qabay dhaawac culus oo dhanka wajiga ah ayey labada qoys ku kala saari waayen, waxaana la xaqiijiyay in qoyska soo qaatay Meydka ee dhaqitaanka ku hayey ay u qaaten in meydka uu ahaa wiilkooda oo goobta qaraxa ku sugnaa.

Labada wiil ee meydkooda leysku qabsaday ayaa iska shaabahayay jirka, waxaana xusid mudan in markii danbe lagu kala saaray calaamadu ay ku kala duwanaayen.

Meydka dhaqitaanka ku socday ayaa waxaa la dhashay keliya hal wiil oo ka maqnaa dalka, waxaana la sheegay in lagu khasbanaaday in wiilkaasi uu kala saaro maadaama uu calaamad ku garanaayay walaalkii, waxaana muran dheer kadib suuragashay in Meydka xal loo helo.

Meydka ayaa waxaa yeeshay qoyskii laga soo hor qaatay, iyadoo qoyska dhaqitaanka ku hayay ay ku qanceen calaamada, isla markaana baadi-goob u galeen Meydka wiilkooda oo hilbihiisa loogu tagay goobta.

Shaafici Maxamed oo ku sugnaa goobta ayaa sheegay in labada qoys ay aad ugu murmeen Meydka, waxa uuna sababta ku sheegay in Meydka uu dhaawaca kaga dhacay wajiga isla markaana la aqoonsan waayay, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu xaqiijiyay in mudadii uu ku sugnaa goobta uu goobjoog u ahaa dhacdooyin ceynkaasi ah, waxa uuna xusay in qoys iyo dhakhaatiirta ay ku murmeen Meydka wiil kale oo looga shakiyay in la karfaneeyay isagoo suux-sanaa isla markaana ay wax u dhintay sunta Qaraxa.

Dowladda Somaliya, ayaa xalay shaacisay in 276 ruux ay ku dhinteen qaraxii ismiidaaminta ee Sabtidii ruxay Isgoyska Zoope, halka 300 oo kalena ay ku dhaawacantay.

LEAVE A REPLY