Xasuus iyo Tacsi

0
60

MUQDISHO:- 14ki Octobar waxaa dhacay musiibo nagu dhacdo tii ugu weynayd. Maahan kaliya tirada dadka ku dhintay badnaanteeda waxa qalbiga na gubay ee sidoo kale qiimaha iyo tayada dad ka naga dhintay sarraynteeda ayaa ah mid aan laga gam’i karin. Waxaan is iri ma xulkii ummaddeena ayaa meesha la isugu geeyay mise Soomaali oo dhan ayaan kala dhicin. Dareenkaygu wuxuu i siinayaa inay jawaabtu tahay midda danbe.

 

waxaa naga baxay dad aan la kala fadili karin xagga tayada iyo xagga muhiimmada ay dalka iyo dadka u lahaayeen. Bal fiiri Maryan, ardayadii caafimaadka ee maalin ka hor qalin jabinteedi la laqmiyay, hooyo Caasho, ogoonlaydi banaanka bur shiishiilka ku gadaysay si ay caruurteeda tuugsi uga kaafiso, wiilkii iyo gabadhii uu dhalay aabaha naafada ah ee wax waxtar ah qabo labadaas ka haystay, afartii wiil ee walaalaha ahaa ee isku meesha lagu dubay. mid walba waxaa la dilay waqtigii loogu baahida badnaa. kaad eegtaba kan kale ka xanuun badan. Mid walbana wuxuu mudan yahay qormo gooni ah. Haddii aan helo cid iga caawiso waxaan ku dadaali doonaa in la helo buug wada kulmiyo shuhadadi 14ki Octobar haduu Eebe idmo.

 

Waxaan dadkaan u xusayno maahan baroordiiq iyo qabar-geeraarin ee waa inaan ku dayanaa tusaale wanaagsanna ay noo noqdaan. Sidaa darteed hadafka akhrinta qoraalkaan ha noqdo barashada sidaad ugu dayan lahayd halyeeygaan aan maanta xusayno (Maxamuud xasan Cilmi).

 

Dul mar

 

Allaha u raxmadee Maxamuud waxaa uu ku dhashay miyiga dagmada Ceelcadee qiyaasti 1982-di halkaas ayuuna ku noolaa ilaa uu kasoo hana qaaday. 1994-ti ayuu magaalo soo galay asagoo kuray xoogla ah wuxuuna ka billaabay dagmada Garabahaareey oo uu muddo kooban joogay halkaas ayaana isku baranay oo xariirkeenu ku bilowday oo aan noqonay saaxiib dhow ka sakow inaan ahayn awlaadda labo aabo wada dhalay. ka dib wuxuu u gudbay Baladxaawo oo ka billaabay waxbarashada aasaasiga ah Qur’aankana dib ugu naqtiimay. 1996-di ayuu u kicitimay Kenya oo u dhaxeeyay Siyeelooy iyo Nayroobi oo uu ku sugnaa ilaa bishii lixaad sanadki 1999-ki markaas oo u dhoofay Maraykanka isagoon Af-soomaali mooyee luuqad kale ku hadal, iskoolna oogu danbaysay kii Baladxaawo. Maraykanka ayuu daganaa ilaa uu dalkiisi dib ugu soo laabtay si uu qayb ooga noqdo dib u dhiska dalka sanadki 2009-ki.

 

Shaqsiyadiisi

 

Allaha u raxmadee Maxamuud waxaa uu ahaa nin ilaahay qurux u dhaliyay, uurkiisuna korsiisa kasii qurux badnaa. wuxuu ahaa qof dun macaan, qalbi jilicsan oo garasho dheer. waxaa uu ahaa howl-kar, dadaal badan, faahin han sare leh. waxaa uu ahaa masuul is xilqaamo iyo hoggaamiye dabiici ah oo si fudud oo dhex muuqdo koox walba uu ku jiro sida aan ku arki doonno sooyaalkiisi shaqo.

 

Sanadki 2005-ti ayaan subax furay internetka, mareegti ugu horraysay ee aan furay ayaa ciwaankeedi koowaad waxaa kasoo muuqday Maxamuud oo meel fagaaro ah hadal ka jeediyay isagoo ku magacaaban madaxa ardayda Soomaaliyeed ee Kolombas Ohaayo. Horay ulama socon Maxamuud waxa uu qabto iyo meeshi uu ku danbeeyay sidaas awgeed way i yaab galisay in ninkaas Maxamuud yahay. Nin reer Wajeer ah oo ila socday ayaan ku iri “ninkaan aad u jeeddo toban sano ka hor ayuu baadiye ka yimid”. Waxaa uu iigu jawaabay hoggaamintu waa u dhalasho.

 

Hadalkaas ayaa igu dhaliyay in dib u milicsado sanadihii aan Maxamuud Nayroobi wada joognay. waxaa isoo baxday inuu markaasba masuul ahaa ee aanan ku baraarugsnayn. Waxaan xasuustay waqtigii anigu aan wax shaqo ah aan ka qaban jiray daawashada filimaanta hindiga ah iyo ka sheekayntooda inuu isagu ku mashquulsanaa hagaajinta nolosha qoyskooda oo markaas miyi ku noolaa itiisa badan. waxaa uu ku howlanaa sidii qaar walaalihii miyiga loo keeni lahaa, isku xirka qoyska inti dibada joogtay iyo kuwa miyiga joogay iyo u ordidda horumarinta deegaanki uu kasoo jeeday. ogow da’ ahaan maanan kala fogayne.

 

Deeqsi

 

Allaha u raxmadee Maxamuud waxaa uu ahaa Faxan xoolihiisu isaga iyo dadka kale u simanyihiin. Deeqsinimada waxaa u dheeraa xil kasnimo iyo inuu ahaa rag aqoon garanayo maalinta ay kaa laalaado. Sanadki 1999-ki ayaan meel ku wada noolayn, waxaa uuna noo hayay biilka. marki uu bixiyo qutul-foonka waxa uu had iyo jeer ka reebi jiray xoogaa uu shaah u siiyo dhalinti badnayd ee guriga dulsaarka ku hayad.

 

Waxaa xasuustaa Ciidi carafo 1999-ki ayadoo ay aad iiga jajabantay oo aanan haysan waxaan ku ciido inuu maalin i waday oo inta dukaan i geeyay iiga iibiyay funaanadd markaas socotay oo aan aad u rabay xaqul ciidna iigu daray. sidaan ugu farxay kaalmadaas maanta oo laga joogo 18 sano ayaan xauustaa nooceedi iyo midabkeedi.

 

Marki uu wax helay Maxamuud isma badlin mana noqon mid illaawo asxaabta, qaraabada iyo dhalinta bayhoofka ah. Waxaa uu ii sheegay Yaxye Aden Shire inuu marar badan oo uu aad oogu baahnaa kaalmo si lama filaan ah Maxamuud ooga fujiyay. Waxaa uu yiri Yaxye “Sebtember 2011-ki ayuu isoo wacay innagoo muddo is moogayn. Maalinta uu isoo wacayo waxaan ahaa shaqo la’aan waxaa umul ii ahayd xaaska oo ii curatay. waxay iga maraysay meel adag. Wuxuu igu yiri $250 ka qaato xawilaadda, Manderana tag oo howl yar iiga soo qabo. Qalbiga ayaan iska iri Riximka ayaa soo diray.” Yaxye waxaa u yiri mar kale “Maxamuud waxaad moodaa inuu ogyahay maalinta aan kaalmo u baahanahay. Mar kale ayuu isoo wacay sanadki 2013-ki anigoo si gardarro ah shaqo aan hayay la iiga cayriyay. inaan shaqada waayay waxaa iiga darnaa si xun ayaa ugu foorjoobay oo ciil iyo caro ayaan la seexan waayay. Maxamuud marki uu isoo wacay waxaa uu yiri shaqo noocaas ah ayaan ku hayaa ee aad. Waxaan is iri tolow ayaa ogaysiiyo maalinta aad shaqo la’aan noqoto”. 

 

Wanaaga iyo samafalku kuma koobnayn qaraabada kaliya ee wuxuu ka warqabay cid kastoo oo uu garanayo. Gaar ahaan dhalin yarada oo uu shaqo la raadin jiray, guurna ku qalqaalin jiray. Waxaa uu yiri Cumar Sandheere, oo Xamar ku nool waayadii danbana Maxamuud iska warqabeen, isagoo  arrintaas ka waramayo wuxuu waqti badan galin jiray dhiirri galinta guurka iyo shaqada. waxaan aqaannaa ku dhawaad labaatan wiil oo uu dhammaan shaqo geeyay ilaa ay guursadeenna dabada ka riixayay sidoo kalana dhismadoodi uu ka qayb qaatay. 

 

Waxaan xasuustaa markaan xasuusto deeqdi Maxamuud hadalki Immaamu Ibnu Hishaam Al-zuhri. Ibnu Hishaam waxaa u hormaray faqri dhago-tire ah oo dadku ku sheekaysan jiray. waa danbe ayaa Eebe u kala furay. wuxuu billaabay in wixii Eebe siiyay uu bixiyo si xisaab la’aan ah. waxaa lagu yiri Zuhriyow gaajada darraad meel dheer ma jirtee maad meel wax dhigatid. waxaa uu ku jawaabay deeqsigu ma cabsi galiyaan tijaabooyinka nolosha. Macnaha qofki deeqsinimo u dhashay shalaybaad dhib soo martay bakhayl uma noqdo.

 

Maxamuud inuu sidaas ahaa waxaa kaaga filan in dhowrki sano ee u danbaysay uu haystay shaqo uu lacag fara badan ka qaadan jiray awoodna u lahaa gadashada dhowr guri saas oo ay tahay caruurtiisa waxay ilaa maanta ku jiraan guryo kiro ah. wixii soo galay waxaa uu ku bixiyay gacan qabashada masiikiinta iyo soo saaridda jiil aqoon leh. Labo bil ka hor geeridiisi waxaa soo qalin jabiyay afar wiil oo uu shan sano jaamacad kasoo bixinayay, Saacad ka hor laqmashadiisina waxaa uu la joogay lix kale oo uu hadda Xamar u keenay waxbarasho.

 

Naftii Hure

 

Maxamuud wax-tarkiisu kuma koobnayn wax bixin maaliyadeed ee sidoo kale waxaa uu bixin jiray waqtigiisa iyo xirfadiisi si uu u hormariyo dadkeenna iyo dalkeenna. 14ki Jun 2014-ki ayaan oogu tagay magaalada Barmihaam ee dalka Ingiriiska isagoo ka yimid Finland oo uu ooga qayb galay shir looga hadlayay horumarinta waxbarashada dagmada Ceelcadde. Fiidki ayaan usoo qaaday London oo uu ka bixi lahaa si uu ugu laabto Xamar. waxaan wada galnay safar masaafadiisu ahayd 210KM.

 

Inti aan jidka sii haynay ayuu ii sheegay inuu rabo inuu ka tago shaqada uu markaas hayay oo ahayd la taliyaha wasaaradda waxbarashada. wuxuu yiri waxaan rabaa inaan waqti galiyo xal u helidda gobalka Gedo. Anigoo u cabsi qabay naftiisa ayaan isku dayay inaan fakarkaas ka badalo waxaana aad ugu adkeeyay inuu iska daayo howlaha maamuladda kuna ekaado shaqooyinka caadiga ah ee aan yoolka ka dhigayn.

 

Marki uu hadalki nagu dheeraaday oo aan ka dayn waayay war iyo walaacin ayuu igu yiri ibraahim haddii aan isla qirsanahay in gobalku wax ka qabasho rabo, cid kasta oo arrintaas u istaagtana ay khatar galayso, aniga iyo adigu aan dib isu dhigno waayo cidda aad rabto inay shaqadaas qabato oo khatartaas qaadato? 

 

Gar ayaa igu go’day meel aan hadalkaas u dhaafana waan waayay. Waxaan ku iri waad iga saxantahay ee ilaahay ha ku garab galo. waxaanse kula dardaarmay inuusan dadaalku la galin inuu Itoobiya hoos fadhiisto waayahay ayuuna igu yiri. Intaan ogahay ma uusan galin howshi ayada ahayd waxaana filayaa sababta uu uga baaqsaday inay tahay in ay howshi Itoobiya dhaafi wayday, intuu iyada hoos tagi lahaana uu ka door biday inuu dib u dhigo qorshihhisi.

 

Sooyaalkiisi Shaqo

 

Allaha u raxmadee marxuumku waxaa uu ka qalin jamaacada Ohaayo sanadki 2006-di, intuu ardayga ahaa wuxuu noqday guddoomiyaha ardayda soomaaliyeed ee dhigto jaamacadaas. sidoo kale waxaa abaal marin lagu siiyay shaqooyin bulsho-u-adeegid ah oo u samayn jiray. Qalin jabinti ka dib, waxaa  uu ku biiray urur samafal oo la oran jiray Somali development Forum oo uu xog hayn ka noqday. Intii uu ururkaan ka tirsanaa waxaa ka mid noqday aasaasayaashii jaamacadda Baardheere.

 

Sidoo kale, waqti aan dadaal ugu jirnay hirgalinta iskoolka sare ee Amiir-Nuur waxaa uu ahaa shaqsigi aan la hadli jirnay si aan kaalmo ooga helno ururkaas oo ugu danbayn noogu deeqay labo kun oo doolar. Sanadki 2009-di waxaa oo usoo wareegay Soomaaliya oo uu go’aansaday inuu waqtigiisi iyo xirfadiisa dalkeenna ku hormariyo. Waxaa uu aasaasay hayada ADR oo qayb weyn ka qaadatay horumarinta gobalka Gedo gaar ahaan Ceelcadde iyo agagaarkiisa. Waxaa uu kaalin weyn oo muuqato lana qirsanyahay ku leeyahay waxbarashada gobalka Gedo gaar ahaan midda Ceelcadde oo uu ka mid yahay bud-dhigayaasha qayabaha kala duwan ee waxbarashada dagmada.

 

Sanadki 2013ki waxaa uu la taliye ka noqday wasaaradda waxbarashada ee Soomaliya waxaa uuna qayb weyn ka qaatay barnaamijki “Go TO School” ee ay UNICEF maalgalisay kaaso in ka badan hal milyan oo caruur soomaaliyeed ah u ogaaladay waxabarasho bilaash ah. Ka dib waxaa uu noqday guddimiyihii gudiga wacyi galinta bulshada ee Jubbaland marki loo diyaar garoobayay soo xulidda baarlamaanka faderaalka. Waxaa maray inta badan dagmooyinka Gedo waxaana uu la kulmay qaybaha kala duwan ee bulshada si uu u ogaado mowqifkooda iyo aragtodooda ku aadan soo xulidda ergooyinka.

 

Ka dib waxaa uu noqday guddoomiye ku xigeenki gudigi doorashada baarlaamnka faderalka ee Jubaland. Waxaa lagu xasuustaa inuu ahaa shaqsigi ugu muhiimsanaa ee suura galiyay in Jubaland ay noqoto meeshi ugu dhibka yarayd ee baarlamaan laga soo doorto. Waxaa uuna waraysiyo kala duwan siiyay joornaallo Caalami ah. Shaqadaas ka dib waxaa uu ku biiray wasaaradda gargaarka oo uu ilaa laqmashadiisi agaasime ka ahaa.

 

 

Gabagabadii Maxamuud waa tusaalaha samafalka iyo wanaaga. Geeridiisi waxaa laga dareemay dal iyo dibadba waxaana u ooyay gaalo iyo islaamba. waxaa uu ka tagay legasi iyo wax qabad muuqdo waxaa uuna mudan yahay ku dayasho. Ooga dayo deeqsinimada iyo masaakiin caawinta, ooga dayo xilkasnimada iyo garashada, ooga dayo dadaalka iyo hoggaaminta, ooga dayo hanka sare, ooga dayo ka warqabka dhalinta iyo dhiiri galinta guurka. ugu danbayn ooga dayo inaad naftaada iyo dantaada ka hormariso midda caamka ah.

 

waa subixii iigu danbsaysay. 15/06/2014 iyo Heathrow Airport London

 

Ibraahim Aden Shire

ishire86@gmail.com

 

https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/

 

LEAVE A REPLY