Dowladdii ugu horeysay Caalamka oo sameysatay Wasaarad Qaabilsan amniga Internetka

0
56

Zimbabwe:- Madaxweynaha dalka Zimbabwe Robert Mugabe ayaa sameeyey wasaarad dhan oo mas’uul ka ah amniga internetka, wax ka ogaanshaha khataraha, iyo wax ka qabashadooda.

Shacabka reer Zimbabwe ayaa waxay ka baaraan degayaan waxaa ay wasaaradda cusub ula jeeddo xorriyaddooda rayid ahaan, gaar ahaan xorriyatul qowlka.

Xukuumadda Zimbabwe lama dhacsanayn baraha bulshada, ka dib markii baadari la yiraahdo Evan Mwararire uu horseed ka noqday dhaqdhaqaaq la magac baxay #ThisFlag sannadkii hore.

Iyagoo isticmaalaya baraha Twitter iyo Facebook ayey abaabuleen mudaaharaad guri-joogid ah, kaasoo ahaa kii ugu ballaarnaa ee muddo 10 sano ah dhaca.

Afhayeenka madaxweyne Mugabe, George Charamba, wuxuu sheegay in Mr Mugabe uu la yimid fikradda ah in la sameeyo wasaarad la tacaamusha khataraha soo baxaya ee liddiga ku ah dalka.

isticmaalka internetka ee dalkaas ayaa 16kii sano ee u dambeeyey sare u kacay 46%, xogtaas oo laga helay hay’adda isgaarsiinta caalamiga ah (ITU).

Telefishino iyo wargaysyo internetka laga daalacdo oo qaarkood dalka dibaddiisa laga soo saaro ayaa internetka isticmaala si ay u baahiyaan warar aysan dawladdu jecelaysanin, waxna ka qaban Karin.

Dunida waxaa ka jira dalal leh waaxyo qaabilsan dambiyada internetka lagu galo, laakinse Zimbabwe waa dalkii ugu horreeyey ee wasaarad dhan u sameeya.

LEAVE A REPLY