War Deg Deg Ah : Ciidamada AMISOM oo dad rayid ah ku laayay Duleedka Magaalada Muqdisho

0
63

MUQDISHO:- Ciidamo katirsan AMISOM ayaa lagu soo waramayaa in dad rayid ah ku laayeen Deegaanka Lafoole ee kuyaala duleedka magalaada Muqdisho, kadib markii halkaasi lagu weeraray.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in kolonyo gaadiid ah oo marayay deegaanka Lafoole lagu weeraray qarax, waxaana qaraxa kadib halkaasi ka dhacay iska hor imaad u dhaxeeyay AMISOM iyo kooxo hubeesan.

Ciidamada AMISOM ayaa rasaas xoogan u furay afarta jiho kadib markii la qarxiyay , waxaana markii dambe ciidamada AMISOM gudaha u galeen xaafado katirsan Deegaanka Lafoole.

Dadka deegaanka ayaa ku waramaya in Ciidamada AMISOM ay si bareer ah u dileen dad rayid ah oo ku sugnaa deegaanka Lafoole, waxaana dadka  ay laayeen Ciidamada AMISOM ku jira arday.

Wararka laga helayo dadka deegaanka ayaa sheegaya ciidamada AMISOM dadka ay laayeen in ay ka badan yihiin 10-qof, dadkan ayaana ciidamada AMISOM si bareer ah u dileen.

Ma jiro wali wax war ah oo kasoo baxay maamulka gobolka Shabeelaha Hoose iyo Taliska Ciidamada AMISOM oo ku aadan weerarka ka dhacay Lafoole iyo dadka shacabka ah ay laayeen Ciidamada AMISOM.

WIXII FAAH FAAHIN AH KALA SOCO BADBAADIYE.NET

LEAVE A REPLY