Dhibane Faaiza Kaalmo ayey u Baahan tahay

0
40

MUQDISHO:- Dhibaatadii Foosha Xumeyd loo geystey Faaiza Waa Dhibaato Ugub ku ah Dalka Soomaaliya, waxaana Dhacadaan si weyn uga gilgishey Dhammaan Ummada Soomaaliyeed kuwaas oo Dalbaday in la soo Gacan geliyo Dhagar qabihii Dhibaatadaas Geystey. Anigoo arrintaas ka duulaya ayaa waxaa ii suurta gashey in aan Isbitaalka Erdogan Ex. Digfeer ku booqdo Dhibane Faaiza, Salaan ka dib waxaan isku sheegey in aan ahay Wariye Doonaya in aan wax ka ogaado Xaalada Gabadha, markiiba waxaa I soo dhaweeyey Hooyadeed Farax Saleebaan iyo Awoowgeed Maxamuud Cabdulaahi Macalin.

Waxaan la Hadley Dhibane Faa’iza oo ay ku xirnaayen Tubooyin badan Maadama Rasaas lagu dhaawacay Xubinteeda Taranka, Kaadi haysta iyo Malawadka, Faiza oo cod aad u hooseya igula hadlaysa ayaan weydiiyay  sida ay sheekadu ku bilaabatay.

Faiza oo Dareen ahaan isbadashay markii ay warkan ii shegeysay ayaa ii sheegtay in Cabdulqaadir  oo ah ninka dhibaatada u geystey uu labisnaa Dareeska Ciidanka, uuna ku dhiftay Sadax xabadood oo Bastoolad ka dhacaysay, “ labo ka mid ah waxa uu iiga dhuftay Xubinta Taranka, Xabada kalana waxa uu la rabey Madaxa laakiin nasiib Wanaag Tinta ayey dhex martay”. .

Mar aan weydiiyey sida ay u aragto qabashada la sheegey ninkii dhibaatada u geystey waxay la soo boodey “ ha la qabato ama yaan la qaban aniga Caafimaadkeyga ayaa wax waliba iiga wanaagsan” hase yeeshee arrintaas mid ka duwan waxaa qaba Awoowgeed Maxamuud Cabdulaahi oo yiri “Waxaan Codsaneynaa in Bahalkaas hororka ah ummada Soomaaliyeed laga qabto oo Cadaalada la hor keeno”

Mar aan ka wareysetey Xaalada gabadha Dhaqaatiirka Gacanta ku haysa Waxay ii Sheegeen in lagu saameeyey Qaliin Isku Furan (Vistula) oo Xabadi Sababatey oo qaatey Muddo Shan saac ah, waxayna intaa ku dareen in muddo Laba Todobaad gudahood ah la ogaan doono in Qalinka lagu guuleystey iyo in kale

Si kastaba Faaiza waxay ahayd Gabar yar oo ugub ah oo Qurux badan oo Aduunka u Cusub yahay oo loo Geystey Xadgudub Bani’aadam loo geysto kii ugu Xumaa taasoo noqoneysa taariikh ma hadho ah oo damqineysa qof kasta oo Damiir leh, waxay aniga igu reebtey murugo iyo Uur ku taalo.

NB. Qormadan waa aan soo koobay sababtuna waxa weeye qaar ka mid ah dadkii Akhristay oo ka damqaday sheekada ayaa I soo weydiiyey Telfoonka Faa’iza Waalidkeed, tasoo igu khasabtay in aan mar kale ku laabto Cusbataalka Digfeer oo ay Gabadhu jiifto.

Faaiza Hooyadeed Farax Saleebaan kala xiriir. 0612586725

W/D Cabdinaasir Xersi Iidle

E-Mail naasixx1@gmail.com

Tel 00252615503978

LEAVE A REPLY