Gurmad Qaran:- Waxaan u xil saaranahay Caruurtii ku Agoontoobey Qaraxii Soobe

0
84

MUQDISHO:- Gudoomiyaha Gurmad Qaran Mudane Cabdulahi Maxmed Shirwac ayaa maanta faahfaahin ka bixiyey wixii u qabsoomay Gudigooda tan iyo markii lagu dhawaaqay iyo waxa u qorsheysan. Wareysi aan la yeeshay ayaan ugu horayn weydiiyey waxa gudigani uga duwan yahay Hay’addii Maareynta Musiibooyinka oo uu hore madax uga ahaa, waxa uuna ku jawaabey. “Laba arin ayey ku kala duwan yihiin, waa marka koowaade gudi Baarlamaan soo maray oo sidaas ku sharciyeysan ma ahan laakiin Hay’addu waa ay sharciyeysan tahay oo waa ay shaqayneysaa, midda labaadna waa gudi wax yar jiraya oo dabadeedna suuqa gelaya”.

“Waxaan nahay Gudi bulsho, cid aan si gaar ah u hoos tagnaana ma jirto” ayuu yiri mar aan su’aley Wasaaradda ay hoos tagaan.

Gudoomiye Shirwac waxaan weydiiyey ilaa iyo hada waxa ay qabteen, waxa uuna yiri. “Wax badan ayaan qabanay, dadkii waa la tirakoobay, wixii dhaawac ah iyo wixii dhintay waa la og yahay, dad 700 gaarayana wax baa la siiyey, dadka wax la siiyey waxaa ka mid ah Caruur Agoon ah, Maanta kaliya waxaan wax siineynaa 700 oo Caruur Agoon ah, hore 200 Caruur Agoon ah ayaan wax siiney, dadkii Waratada ahaa ee aadka u liitey wax baa la siiyey, waxaan is leenahay wejigii hore ee deg-degga ahaa waa ka gudubney, kan xigana waa qorsheyneynaa, Shaqadeenu si fiican ayey u socotaa, dad badan oo jooga dalka gudihiisa iyo debaddiisana waa na taageereen, marka waxaan rajeyneynaa iney wanaagaas ay ku socoto ku dhamaato”.

“Markii hore waxaan dooneyney inaan dadka oo dhan dabka u shidno, laakiin hadda waxaan ku tala geleynaa Caruurta Agoonta ee daryeelka u baahan, waxaa ku xiga Caruurta waxbarata in waxbarashadooda meel la saaro, dadka Naafooba oo dhaawacu ku xumaado waa ku tala geleynaa, dadkii Waratada ahaa ee aadka u liiteyna waa ku tala geleynaa ilaa iyo hadda Aartaas qaybood ayaa noo qorsheysan”. ayuu yiri Mudane Shirwac mar aan waydiiyey dadka u qorshaysan iney wax siiyaan.

Mar aan weydiiyey waxa ay ka yeelayaan dadkii hantidoodu ku burburtay Qaraxa, waxa uu yiri. “Dadka hantidoodu ku burburtay Qaraxa waxaa ka mid ah Waratada marka waxaan fiirineynaa sida ay u kala daran yihiin oo ay u kala baahi badan yihiin”

Dowladda Federaalka, Dowled goboleedyada iyo Gobolka Banaadir maxaa idinka soo gaarey oo deeq ah ayey ahayd su’aasheyda kale, waxa uuna yiri. “Dowlad Goboleedka Puntland lacag badan oo Nus Malyuun ku dhow ayaa naga soo gartey, dowled Goboleed kale oo wax naga soo gaareen ma jirto marka laga reebo dad iskood isu xilqaamay, Dowladda Federaalkana Malyan-kii ay ballan qaadeen ayaan fileynaa maanta iney wareejiyaan. Soomaalida Qurbajoogta ah ee ku nool Yurub, Maraykanka, Kanada iyo Austaraaliya waxaa naga soo gaarey lacag ku dhow 300 oo kun oo doolar.”

Ma waxaad Agoon u taqaanaan Caruurtii Aabayaashood ku geeriyoodeen Qaraxii Soobe ayaan weydiiyey Gudoomiyaha Gurmad Qaran waxa uuna ku jawaabey. “ Anagu waxaan u xil saaranahay Qaraxii Soobe Agoon ha noqoto iyo magaciise kaleba”. Gebagebadii waxaan weydiiyey Todobada Boqol ee Qof  ee Agoonta oo ay maanta wax siinayaan waxa ay siinayaan, waxa uuna ku soo koobay. “Lacag ayaan siineynaa”.

WD.. Cabdinaasir Xersi Iidle

Mail. Naasirx1@gmail.com

Tel. 00252-615503978.

LEAVE A REPLY