Dhul Gariir dad badan ku dhinteen oo ku dhuftay Xadka Ciraq iyo Iiran(Sawirro)

0
127

IRAN:- Dhul gariir xoog badan oo cabirkiisa lagu sheegay 7.3 ayaa ku dhuftay xadka ay wadaagaan Wadamada Ciraaq iyo Iiraan, waxaana dhul gariirkan ka dhashay khasaaro aad u xoogan.

Dhul gariirkan ayaa ku dhuftay gobolka Kermanshah  oo kuyaala galbeedka dalka Iiraan waxaa ku dhintay dad ka badan 100-qof halka sidoo kale dhinaca Ciraaq iyana ku dhinteen tiro kale.

Dadka shacabka ah ayaa bilaabay in ay guryahooda ka cararaan isugu tagaan wadooyinka si ay uga bad baadaan halista Dhul gariirka, waxaana dadka ku dhacay jahwareer aad u xoogan.

Khasaaraha xoogiisa dadka uu kasoo gaaray dhul gariirkan ayaa ku sugnaa magaalada Sarpol-e Zahab oo 15km u jirta xadka labada dal sida uu Warbaahinta u sheegay madaxa gurmadka deg degga ah ee Iiraan, Pir Xuseen Koolivand.

Masaajida kuyaala dalka Ciraaq gaar ahaan magaalada Bagdaad ayaa dadku bilaabeen in ay isugu tagaan Masaajida ayna duceestaan, waxaana codbaahiyaal loo adeegsanayay ducada iyo alla bariga.

LEAVE A REPLY