Shirkadaha Isgaarsiinta Somaliland oo hawada ka saaray baraha bulshada

0
43

HARGEYSA:- Shirkadaha isgaarsiinta ee bixiya adeegga internetka ka shaqeeya degaanada Somaliland ayaa caawa jaray adeegsiga baraha ay bulshada ku wada xiriirto.

Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa horey u sheegay in marka la xiro goobaha codbixinta, lana bilaabo tirinta codadka hawada laga saarayo baraha bulshada illaa natiijada doorashada lagu dhawaaqayo si looga hortago wararka been abuurka ah.

Shirkadaha Telsom, Somtel iyo Somcable oo ah shirkadaha internetka bixiya ee Somaliland ayaa jaray adeegyadaasi caawa markii la xiray goobihii codbixinta iyagoo fulinaya codsiga guddiga doorashada

Adeegyada Facebook, Twitter, Instgram, Whats app, Linkedin, Imo, Skype, Google Plus Snapchat iyo adeegyada bulshada ka mid ah ayaan hadda laga isticmaali Karin degaanada Somaliland

Inta badan codeyntii Doorashada Somaliland ee maanta loo dareerary ayaa maqribnimadii soo dhamaatay inkastoo goobaha qaar ay caawa ka socoto doorashada dib u dhacyo dhinaca farsamada ah oo maanta ku timid awgeed.

LEAVE A REPLY