Raadso Qof Kuu Qalmo!!!

0
92

Waa nin xaasle ah, waxeey u heeysaa caruur laakiin wuxuu adiga kuu sheegayaa inuu ku jecel yahay waana aaminsan tahay taas? Wuxuu xaaskiisa u sheega inuu shaqo jiro, balamo kale leeyahay, ama uu safar jiro markuu adiga kula joogo.

Mana ku fikireeysit inuu adiga xataa sidaas kugu sameeyn karo. Wuxuu kuu sheegaa inuu xaaskiisa kaa jecel yahay adiga, mar walba uu adiga kaa dhameeysto wuxuu u laabta xaaskiisa. Ma doonayo in xaaskiisa ku ogaato, Ma doonayo inuu xaaskiisa qalbi dilaaciyo. Wuxuu kaa dhigtaa mid u qarsoon asagaas waadna ku faraxsan tahay arintaas sababtoo ah wuxuu ku siiya lacag iyo wax yaalaha maadiga ah ee aad rabtid.

Lacagta iyo wax yaalaha maadiga ee aad rabtid maa kaa dhigaan inaadan waxbo kala jecleeyn! Waxaad jirkaaga iyo wadnahaaga qiimaha badan ku badalataa waraaq (Lacag).
Laakiin daacadii lacagtaasi ma waxeey u qalantaa jirkaaga iyo qalbigaagaas macaan? Jaceeylkaaga ma u qalmaa in loo iibsado sidii sheeyada? Ma taas baa xaqiiqdii ah waxaad u qalantid? Makuu noqon doona mid kula jooga? Waligiis maku siin doona lacagtaas? Ma u maleeneysaa inaad qeeb libaax ka ciyaarooysit bur burka qooskiisa maadama aad nafsadaada mar walba ka dhigooysit mid u diyaar ah asagaas? Kasoo qaad xaaskiisa baa adiga kaa war heshay, ma u maleeyneysaa inuu ku faraxsanaan doono adigaas iyo waxa aad sameeneysitbo? Iska soo qaad iyadaas, ma u maleeneysaa inaad ku faraxsanaan laheed in hadii eey geber kale ku sameeyn laheed ninkaaga waxa aad adiga sameeynoosit? Ma u maleeneysaa inuu ILAAHEEY ku faraxsan yahay waxaad sameeneysit? I aamin ILAAHEEY kuma faraxsano waxa aad sameeneysit. I aamin Kuma faraxsano sababtoo ah si ahaan waxaad kala geeynooysa lamaane isku faraxsanaa.
Waxaad u baahan tahay inaad hesho qof adiga kuu gaar ah oo kuu qalma. Qof kuu hibeeynaya dhamaan jaceeyl, daryeel iyo dareenka jaceeylka, uma baahnid jaceeyl kala qeeybsan. Waxaad u baahan tahay mid aad wici kartid habeenkii waqti alle iyo waqtigaad doonto adigoon cabsaneeynin, mid banaanka kuu raacaayo asagoon ku jirin cabsi ah in eey kugu ag arkaan saaxiibadiis ama xaaskiisa, mid eey qorshihiisu tahay inuu ku guursado oo kula dhisayo qooys.
Jooji qiimaha yar ee aad isku iibineeysit oo aadan u qalmin. Lacagta iyo wax yaalaha maadiga ah waa wax aanan u qalmin inaad ku badalit jirkaaga iyo qalbigaaga. Ka fikir arintaas oo ka fogoow sil siladaas aadka u foosha xun.
Waan idin jeclahay dhamaan walaalaheeyga Soomaaliyeedow.
By.Shukri Dadir

LEAVE A REPLY