Naadiga Maskax Shiil oo Shahaadooyin Gudoonsiiyey Qorayaal Da’yar( Sawirro)

0
70

MUQDISHO:- Xaflad si heer Sare ah loo soo abaabuley kuna saabsaneyd Gabagabada tababar loo qabtey 30 Qorayaal da’yar ayna ka qayb galeen Masuuliyiin ka soctey Akadeemiyada Fanka iyo Suugaanta, Qorayaal iyo Marti Sharaf kale

Xafladaan oo ka dhacdey Hotelka  Hilaac UK ee Magaalada Muqdisho ayaa  waxaa soo qaban qaabiyey Naadiga Curdanka ah oo ay ku midoobeen Qorayaal fara badan waxaa ugu horeyn halkaasi warbixin ka soo jeediyey Gudoomiyaha Naadiga  Maskax Shiil Mudane Suldaan Nayruus Xaaji Aadan oo sheegey in Sababaha  loo qabtey tababarkaan ay tahay sidii loogu dhiiragelin lahaa in ay soo baxaan Dhallinyaro yaryar  oo ka qaybqaataan Qoraalka Farta Soomaaliga si loo helo Buugaag Tiro badan oo tayo Fiican oo ku qoran afka Hooyo

“Maadaama uu sii yaraanayaan raga iyo Dumar ee wax qora ama wax akhriya ayaa Naadiga Maskax Shiil waxay Dooneysa in la helo Qorayaal da’yar oo bedela kuwa  hore u soo shaqeeyey” sidaa waxaa yiri gudoomiyaha Naadiga Maskax Shiil oo u soo jeediyey Qorayaasha Soomaaliyeed in ay kala qayb qaataan sidii loo dhiiragelin lahaa Dhallinyaradaas

Xubnahii kale ee Munaasabadaas ka Hadley  waxaa ka mid ahaa Qorayaasha kala ah Anwar , Cabdulaahi Xasan  iyo  Axmed Maxamuud Dhicisow oo Macalin ka ahaa Tababarkaas  mudadii uu socdey ayay sheegeen  in ay si weyn ugu farxeen in wax baraan Dhalinyaro u Hamuun  qaba Wax Qoris waxayna sheegeen in Dhalinyaradaan ay qayb ka yihiin Dhalinyaro fara badan oo loo qaban doono Tababar noocaan oo kale ah

Gabagabdii waxaa Xafladaas soo  Xirey Gudoomiyaha Akadeemiyada Fanka iyo Suugaan Cabduqaadir Xuseen Maax oo u Mahadceliyey  Naadiga Maskax Shiil  oo uu  sheegey in ay qabteen howla Muhiim u ah Horumarinta Afka Soomaaliga isagoo halkaas ka balan qaadey in Akadeemiyadiisa ay gacan siin doonto Naadiga waxaana  Dhalinyaradii Tababarkaas loo qabtey la Gudoonsiiyey Shahaadooyin.

LEAVE A REPLY