Natiijada Doorashadii ka dhacday maamulka Somaliland oo la ansixiyay

0
41

HARGEYSA:- Maxkamada sare ee maamulka Somaliland ayaa maanta ansixisay natiijada doorashadii dhawaan ka dhacay Deegaanada Maamulkaasi uu ku guuleestay Musharax Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Guddoomiyaha Maxkamad Sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali oo maanta Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa shaaciyay in wax dacwo ah aan laga soo gudbin doorashadii dhacday sidaa dareed ay ansax tahay natiijada doorashada kasoo baxday.

Doorashadii 13-kii bishan ka dhacday Deegaanada Maamulka Somaliland waxaa ku guuleestay xilka Madaxweynaha afarta sano ee soo socota Musharaxii Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.

Guddi madaxbanaan oo kormeerayay habka ay u dhacday doorashada Somaliland ayaa sheegay in qaladaad ka dhaceen gooabaha ay ka socdeen codbixinta Qaar ayna codeeyeen caruur aan qaan gaarin .

Xisbiga Wadani ayaa dhoor mar dhaliilay Guddiga Doorashada Madaxweynaha Somaliland, hasa ahaatee xisbigan ayaa markii dambe natiijada aqbalay, iyagoona wax dacwo ah oo doorashada ku saabsan u gudbin Maxkamada sare.

LEAVE A REPLY