Quruxda Gabadhu Hal-Beeg Ma U Tahay Karti Teeda?

0
55

MUQDISHO:- Mary Ann Bevan oo qaadatay ‘Haweeneyda ugu Fool-Xun Caalamka’ waxay ku dhalatay dalka Ingiriiska Sanadkii 1874-tii. Dhalinyaranimadedii waxay aheyd Gabar qurux badan oo Kalkaaliye ka ah mid kamid ah Isbitaalada London.

Waxay guursatay iyadoo 29-sano jir ah markii 32-Sano jir ay aheydna waxaa ku dhacay xanuun bedelay Muuqaalka jirkeeda, Wejigeedana ka dhigay mid aynan ishu ku raaxeysaneynin, sidoo kale waxa daciifay Araggeeda waxayna ka xanuunsatay Murqaha iyo Kala-Gooysyada Jirka.

Sannado kadib, waxaa dhintay Ninkeedii oo ay u dhashay Afar Caruur ah, kadibna waxay dhexda u xiratay sidii ay u korsan laheyd Caruurteeda.

Deyn badan oo lagu yeeshay iyo Xanuunada hayay waxay sabab u noqdeen in laga ceeyriyo Shaqadeedii taas oo keentay inuu soo Food-Saaro Faqri daran oo aynan u heysan cid uga kaalmeysa.

Si ay u hesho Nolol-Maalmeedka Caruurteeda ayay ka qeyb-Gashay Tartanka Foolxumada Adduunka waxayna gashay kaalinta Koobaad, waxana Abaal-Marin loo siiyay waqtigaa lacag dhameyd Konton Doolar, waxaana iyadoo xanuunsan lagusoo wareejiyay Waddooyinka Xaafadaha Magaalada London si dadka loo tusiyo Foolxumadeeda waxaasa iyada u muuqday Kontonka Doolar oo ay rabtay inay ku kaalmeysato koriska Caruurteedu.

Daawadayaashu waxay noqdeen mid ku Qosla iyo mid ku Jees-Jeesa, Caruurtiina waxay u qeybsameen mid Caaya iyo mid Tuuryeeya iyaduna waxay ku laheyd “Caruureey waan idin jeclahay waxaad u egtihiin Caruurteyda”.

Markay adkeysan waysay ayay Af-Gembi ugu dhacday Bartamaha magaalada London, dadkii daba-socdayna way u sacbiyeen iyagoo qoslaya una maleeya Sheeno ay Jileyso, Daqiiqado kadibna halkii ayay ku Ruux-baxday dadkii oo ka dul qoslaya.

Mid kamid ah Caruurteda ayaa yiri: “Hooyadey waxay nagusoo korisay Nolol adag, waxay noo aheyd Hooyo na Barbaarisa iyo Aabbe Suuqa noogasoo Halgama, waxaan xusuustaa inay nagu dhihi jirtay dadku waxay igu naceen Foolxumada, ima qadariyaan ee sideen ku noqan karaa Hooyo Quruxsan si ay dadku ii ixtiraamaan!”

Jawaabta Su’aasha Ciwaanka aan u daayo Nuxurka Qormadee. Haba kala duwnaado dhibka iyo Duruufaha ay Hooyooyinka kusoo koriyeen Caruurtoodee waxay ka mideysanyihiin in Hooyo waliba Barbaarinta Caruurteeda usoo gashay Halgan adag oo mudan in Loo ogaado, looga Mahad-celiyo, baari loogu noqdo, Buugaagna laga qoro.

Hooyooyinku waa dhadhanka Nolosha, la’aantoodna Ifku ma micno badna, mana Gudi karno Abaalkooda, Jannaduna waxay ku jirta Lugahooda hoostooda ee Allow naga dhig kuwii baarri u noqda Waalidkood iyagana ugu naxariiso sidii ay noogu naxariisteen yaraanteenii.

Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Qalinkii: Hussain Sabrie

LEAVE A REPLY