Labo wiil oo Walaalo ahaa oo lagu dilay dalka Koofur Afrika

0
48

KOONFUR AFRIKA:- Dhibaatooyinka loo geysto dadka Soomaalida ee ku nool dalka Koofur Afrika ayaa sii kordhaya, iyadoo ay u dambeysay dil loo geystay labo wiil oo walaalo ahaa.

Kooxo Burcad Koofur Afrikaan ah ayaa ku dilay magaalada Johannesburg ee dalka Koofur Afrika labo wiil oo walaal ahaa.

Labada wiil oo walaalaha ahaa ayaa lagu kala magacaabayay Cumar Salaad Xaashi iyo walaalkiis ka yar Liibaan Salaad Xaashi, kuwaasoo lagu toogtay dukaan ay lahaayeen.

Dhacdadan ayaa noqotay mid naxdin iyo walaac ku reebtay dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koofur Afrika.

Soomaalida ku ganacsata dalka Koofur Afrika ayaa mar walba waxay la kulmaan dhibaatooyin kala duwan oo ay isugu jirto dil, dhaawac iyo boob loo geysto hantidooda, waxaana dhibaatooyinkan ay soo taxnaayeen 10-kii sano ee u dambeeyay.

LEAVE A REPLY