Qoyska ra’iisul Wasaarihii hore ee Masar Axmed Shafik oo ka walwalsan xaaladiisa

0
96

MASAR:- Qoyska Ra’iisul wasaarihii hore ee Masar Ahmed Shafik ayaa sheegay maanta in ay ka walwalsan yihiin xaalada Shafik kadib markii wax war ah laga waayay tan iyo markii laga soo musaafuriyay dalka Imaaraadka Carabta maalmo kadib markii uu sheegay in uu qorsheynayo in uu  u tartamo doorashada Madaxweynaha dalka Masar oo lagu wado in sanadka soo socda la qabto.

Shafik oo soo noqday taliyaha ciidamada cirka dalka Masar iyo Wasiir ayaa loo arko in uu yahay qofka kaliya ee la tartami kara Madaxweyne Sisi oo ahaa taliyihii hore ee ciidamada kaasoo la rumeysan yahay in sanadka soo socda uu markale u tartami doono doorashada madaxtinimada dalkiisa.

Qoyska Shafik ayaa sheegay in laga kaxeeyay guriga uu ka degenaa wadanka Imaaraadka Carabta lana saaray diyaarad gaar ah oo ka dejisay magaalada Qaahir. Dad goobjoog ah ayaa u sheegay Reuters inay arkeen Shafik oo ay galbinayaan ciidamada dalka Masar.

“Kama warqabno xaaladiisa tan iyo markii shalay la kaxeystey,haddii la masaafuriyay gurigiisa ayuu tegi lahaa ee lama weyn lahayn,waxaan aaminsanahay in la afduubtay,”ayay tiri May oo ah gabar uu dhalay Shafik.

Qareenka Shafik iyo qoyska ayaa sheegay ina qorsheynayaan in ay qoraal cabasho u gudbiyaan xafiiska xeer ilaalinta si ay u ogaadaan halka uu ku dambeeyay.

LEAVE A REPLY