Daka Reer Kenya oo inay safaan ka muujinaaya Cabsi ay ka qabaan Maleeshiyaadka Al-Shabaab

0
47

KENYA:- Dadka reer Kenya ee aan haysan Diinta Islaamka iyo kuwa aan u dhalan G/Waqooyi Bari ayaa ka cabanaya Gaadiid la’aan, kaddib markii ay dowladda dhexe dadkaasi ka mamnuucday in ay raacaan Gaadiidka dadweynaha ee gudaha isaga kala goosha cabsi laga qabo Al-Shabaab darteed.

Kenya ayaa dadkeeda ku soo rogtay amarkan,kaddib markii ay bateen weerarrada Al-Shabaab ee lala beegsanayo dadka aan reer Mandheera ahayn ee ka shaqeysta Gobolkaasi.
Mid ka mid ah dadka reer Kenya oo lagu magacaabo Mark Mwolobi kaasi oo ka soo jeeda Gobolka Bungoma,ayaa sheegay in muddo ay ku sugan yihiin Mandheera, islamarkaana ay ka quusteen inay ka baxaan Magaalada iyada oo ay jirto cabsida laga qabo Al-Shabaab.

Muwaadinkaasi Kenyaan ka ah ayaa sheegay in la joogo xilliga Ciidda Kiristaanka, islamarkaana aysan ehelladooda dib ula mudoobi karin,maaddaama aysan ka bixi karin Magaalada Mandheera.

Dhanka kale Al-Shabaab ayaa dhowr jeer weeraro dhabagal ah ku qaaday Muwaadiniin badan oo kenyan ah kuwaas oo u soo shaqo taga Mandhera, waxayna sababtay inay Dowladda ka soo saarto digniin ah in aysan dadka aan Muslimka ahayn ay raacaan Gaadiidka dadweynaha maadaama horay Al-Shabaab dad saarnaa Gaari ay ula dageen.

LEAVE A REPLY