Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud ,Shirka Muqdisho Waxaan filayaa inay diiradda ku saaraan sidii dhibka looga saari lahaa Soomaaliya

0
39

MUQDISHO:- Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in natiijo wanaagsan ay ka soo baxdo Shirka ka socda magaalada Muqdisho ee looga hadlaayo ammaanka iyo dhaqaalaha.

Qoraal uu Bartiisa Facebook soo dhigay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu ku yiri.


“Shirka ka socda muqdisho waxaan rajeynayaa inay ka soo baxdo Natiijo wanaagsan oo wax ku ool ah, dhinacyada ka qeyb galaya waxaan filayaa inay diiradda saaraan sidii dhibka looga saari lahaa Soomaaliya oo dhibaato ka heysato dhaqaalaha, ammaanka iyo siyaasadda” ayaa lagu yiri qoraalka Madaxweynaha.

Dhanka kale Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay soo kaban doonto waqtiyada dhaw loona baahan yahay iskaashi iyo isku tanasulid.

LEAVE A REPLY