Maxkamadda sare ee Mareykanka oo Taageertay Go’aankii Trump ee xayiraada socdaalka

0
71

NEW YORK:- Maxkamadda sare ee dalka Mareykanka ayaa taageertay go’aankii dhinaca xayiraada socdaalka ee Madaxweyne Donald Trump ku soo rogay illaa lix dal oo Muslimiin ah.

Todobo ka mid ah sagaalka xaakim ee Maxkamadda sare ayaa isku raacay go’aanka, iyagoo laalay dhamaan go’aanadii Maxkamadaha hoose ay horay u soo rogtay.

Go’aanka Maxkamadda sare ee Mareykanka ayaa guul u ah Madaxweyne Trump oo tan iyo markii uu xilka la wareegay uu xayiraada dhanka Socdaalka ku soo rogay lix dal oo Muslimiin ah, kuwaasoo kala ah Chad, Iiraan, Liibiiya, Soomaaliya, Suuriya iyo Yemen.

Sidoo kale go’aankan ayaa saameyn doona muwaadiniinta dalalka Kuuriyada Waqooyi iyo Venezuel oo horay Donald Trump amaro uga soo saaray.

Go’aankan Maxkamadda sare ayaa keeni doono caqabado dhanka sharciga ah oo saameyn doona dadka Muslimiinta ee ka soo jeeda dalalkaas ee doonaya inay galaan Mareykanka.

LEAVE A REPLY