Warbxintii Mucaaradka igula Daarteen

0
65

Warbixnta aan ka  Diyaariyey Jid Xirashada qaar ka mid ah Wadooyinka Muqdisho ee aan Cinwaanka ugua Dhigey “WADOOYINKA WAXAY U XIRAN YIHIIN FARMAAJAA XILKA LAGA QAADAYAA” Somaalida waxay Tiraahda Hashi Maqaarka Diideysa meelo Daldaloola ayey ka eegtaa” Mucaarad aniga ma oronayo ee waxaan leeyahay Canaasiir  waxay fiiriyeen Qaybaha hore ee Qoraalka hase yeeshee hadii ay Macaanka qoraalka ee Gunta ay Akhrin lahaayeen  waxaa ku jirey “Dowlada yaan la inkaarin ee ha loo Duceeyo” waxaa kaloo  ku jirey”waxaa ii Muuqda Ifafaale Nabadeed” sida hadda lagu socda  Sidaa darteed Warbixinta waxaa igula Daartey Canaasirta  Dowlada, sidaa darteed  oo Xaqiiqo ah  Warbixintaas aan ku ogaadey Canaasiirta  iyo Muxaafadka Dowlada Madaxweyne Farmaajo halka ay kala joogaan.

Markaan Akhriyey Faalooyinkii laga bixiyey, markaa aruuriyey Taleefoonadii ii soo dhacay , markaan akhriyey Faalaoyinka kooxaha Canaasiirta  waxaa ii soo baxay in Canaasiirta ka soo horjeeda Dowlada  uu yahay Boqolkiiba 1% halka Muxaafadka  Dowlada Farmaajo uu yahay Boqolkiiba 99%  waxyaabaha aan la yaabey waxaa ka mid ah markii Ruux Dibada iga soo wacay oo  ay Madax martey Dowladnimida iyo Muxubada uu u hayo Farmaajo iyo Khayre  ayaa igu yiri “Maxaad Warkaas u qortey  ” markaas baan ku iri “ marka hore kulli ma akhridey warbixinta ” markaasuu yiri “Maya” waxaan iri” soo akhri kadib igu soo laabo “ markii uu Cabaar iga maqnaa ayuu I soo wacay ka dib maxaa dhacay” Raaligelin buu I siiyey wuxuuna ii raaciyey Kun jeer raali noqo

Guntii iyo Gabagabadii sidoo kale yar ku sugan Koonfur Afrika oo isna markii warbixinta uu akhriyey I soo wacay ayaa yiri”  Amiinow waan ku aqaan  waxaa tahay wariye Bulshada u adeega marka walaal waxaan kuu sheegayaa in aan aad u dhifsadey Warixnta aad ka qortey Xirnaansha wadooyinka wuxuu ii sii raaciyey “Saaxiib ma doonayo in Dowlada wax laga sheego  waayo waxaan Dibada ku ogaadey dhibaatada ay leedahay dowlada la’aanta marka walaal   waxaan ku leeyahay oo kuu soo jeedinayaa in aad Taageeroi Halku dhiga Dowlada ee ah  Nabad iyo Nolol”  waxaa iri “OK” sidoo kale Canaasiirta waxaa leeyahay  Wax Taageero ah oo aan idin kaga hayo Shacabka ma jiraan ee DADKIINNA DHINAC KA RAACA

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Tel 00252615532494

LEAVE A REPLY