Wiil dhalinyaro ah oo lagu Gowracay Magaalada Muqdisho

0
77

MUQDISHO:- Wararka naga soo gaaraya degmada Hodan  gaar ahaan Xaafadda Soonakey  ee gobalka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi laga helay Meydadka Wiil dhalinyaro ah.

Koox hubeysan ay saqdii dhexe Gurigiisa ku dhax gowraceyn Wiilkaasi dhalinyaradda ah, waxaana la sheegay in Kooxdii Falkaasi geysatay ay baxsadeen.

Marxuumka la gowracay ayaa da’diisa lagu qiyaasaa 25 jir ka tirsanaa dhalinyarada ugu fir fircoon xaafadda sidoo kale ka tirsanaa Culumada raacata barashada Cilmiga diiniga lama oga cidda ka dambeysay falkaan walaaca ku beeray shacabka Muqdisho.

Dadka degaanka ayaa Risaala u xaqiijiyay in Wiilkaasi lagu magacaabi jiray Axmed C/lle Axmed , islamarkaana uu ka mid ahaa dhalinyaraddii maalmihii lasoo dhaafay ku mashquulsanaa Xuska dhalashada NNKH.

LEAVE A REPLY