Xaaraan Quutayaal Oo Laqabsan Waayay Dawladnimada Iyo Sharciga Ka Hana Qaaday Soomaaliya

0
71

MUQDISHO:- Dalkeenu waxa uu ahaa mudo aad u dheer oo ku dhaw nus qarni dawlad la aan.Waxaa beelo gaara u suuro gashay inay si xun aga faa iidaystaan dhibkaa dhacay iyo dawlad la aanta.Tani waxay keentay in cid walbaa ciday u aragto in ay dili karto disho oo nafta ka jarto,inay dhacdo maal kiisa,beero,guryo,xoolo,lacag iyo dahab wuxuu haystay laga qaato.In gabdhihii soomaaliyeed ee sharafta lahaa ee la xurmayn jiray,laga dhigo wax la kufsado iyo wax la dilo.Nolashii ayaa noqotay mid ka caagan sharci iyo kala danbayn.Dalkeena soomaaliya waxaa lagu fuliyay,wax kastoo xumaan ah wax loo reebtayna majirto.

Waxaa lagu beeray xashiish iyo noocyada daroogada,waxaa lagu kala badashaa daroogada ukala gooshta afrika iyo amerika iyo aasia iyo yurub.waxaa dalkeena ka hawgala hay ado shisheeye oo la shaqaysta XAARAAN QUUTAYAASHA oo ka ganaacsada xubnaha dadka.waxaana soomaaliya lawaayay kumanyaalo caruur ubadan oo laga samray.Dhibaatooyinkaa dawlad la aanta ayaa ugu wacan oo keentay.Adamuhu kama maarmo sharci iyo dawlad iyo kala danbayn.

Hadaba XAARAN QUUTAYAASHII  ka taajiray dawlad la aanta,qabatimay oo u bartay cabida dhiiga dadka soomaaliyeed,ayaa la qabsan la in dalka dawladi ka dhalatay oo sharci jiro,xabsi jiri,maxkamad jirto.waxaa madaxooda ka waynaaday XAARAN QUUTAYAAL  in ay jirto hay ad nabad sugid oo ilaalinaysa dalka amaankiisa gudaha iyo dibadaba.waxay la yaaban yihiin in ay galaan gurigii raad soo galo,inay qabtaan qofkii raad soo galo.Nabad sugidu maha bilays iyo noocyada kale ee ciidanka midna.waa ciidan gaara oo ah kuwa u dhuundaloola amaanka dalka,ciday ku dhagaana cid ka hadli kartaa majirto.Nabad sugida qaranka soomaaliyeed sharciga dalkaa u saamaxaya in ay galaan meelkasta oo shaki galo ama ha ahaado wasiir ama ha ahaado xil dhibaan ama shacab.

Waa sharciga dawlad nimada kan siiyay awooda nabad sugida dalkasta.maxkamada iyo bilayska iyo hay adaha kale ee amaanka waxay maraan qaab ogo laansho sharci markay wax baarayaan.Nabad sugid hadii gurigaaga tuhun galo,waxaad ugu iman iyagoo soofurtay gurigaaga adoo maqan,siday doonaana way u baaran adoo maqan iyo adoo jooga cid ka hadli kartaana majirto waayo waa xaalad amaan cid ay u sheegayso nabad sugidu iyo saxaafad ay  nabad sugidu u warantaa majirto. waayo arimahoodu waa sugid amaan iyo sir qaran.

Magaranayo sababta QAYBDIID uleeyahay,Taliyaha nabad sugidaa isoo wacay oo ii sheegay in ciidamo ay leeyihiin emaraadku gurigiisa soo weerareen,taliyaa oo magaciisa uu ku sheegay Saadiq oo ah taliyaha nabad sugida gobolka banaadir.isla markaana QAYBDIID waxa uu leeyahay anaa cadaynaya oo ninkaas ayaa ii sheegay inay ahaa yeen ciidamo dawlada ah. hadaba hadalkiisa ayaaba is burinaya waa ciidamo emaraadka iyo waa ciidamo dawladeed labadan arimoodna waxaa ii sheegay nabad sugida qaranka waaba war ay cadahay in uu dambi yahay.

Haduu ku been abuuranayo taliye saadiq iyo hay ada nabad sugida hade QAYBDIID waa danbiile.hadii ay jirto in sirtii nabad sugida Saadiq bixina yana hade waa danbi wayn oo uu galay Saadiq,mana aha in uu xiriir la yeesho QAYBDIID oo arimo u sheego.mana aha arimaha nabad sugida in QAYBDIID saxaafada inta u yeerto ka naadiyo waa sharci daro.

Saxaafaduna sharcigii ayay jabiyeen oo waxay dhex dabaasheen arimihii amaanka dalka iyo nabad sugida taasoo nabad sugidu la yeelan doonto waraysi shaqada ay hayaan wariyayaashii,QAYBDIID u yeertay iyadoo la hubin doono ciday u shaqeeyaan?

Cidwalbaa waa inay ilaashataa nafteeda kana dheeraataa wax u keenaya danbi iyo daba gal.dalku waxa uu leeyahay nabad sugid u shaqaynaysa si buuxda,soomaaliya dawlad bay leedahay sharci baana jira qabanaya cid walba.sharciguna ma yaqaan QAYBDIID iyo XAARAAN QUUTAYAAL dawalad diid ah.ma waxaa jira dalkeena sharci dhigaya in guriga QAYBDIID hadii arin soo galay aan la baari karin waayo waa xubin aqalka sare ah? isla sharcigaasina waa labaari karaa guryaha dadka shacabka ah iyo masaakiinta? sidaa maha wasiirka,iyo madaxda dalka oo dhan,xataa madaxwaynaha hadii layn amaanka qaranka ah uu galo waa laga shaqayn oo la baari.sharcigu mayaqaan madaxbaan ahay,mana aha madaxtinimada iyo xil qabashadu hooy tuugadu kusoo dhuumato oo ku badbaado madaxbaan ahay.

Adeer hadaad aqal sare ka tahay masuul iyo madax sare kuma caawinayso darajadaasi kol hadaad danbi faraha lagashay oo layn iyo tuhun kusoo galay.waana lagaa shaqayn sharcigaana sidaa ah.shacab iyo dawladba qofku waxa uu amaan yahay ama bad baadayaa markuu ilaaliyo sharciga dalka u yaal oo ka dheeraado wax kastoo ka hor imaanaya sharcigaa iyo dawladanimada. dadkuna wax ha barteen oo ha fahmeen macnaha dawladnimada. dadka MOGDISHO waa rabaan dawlad nimada sharciga iyo kala danbaynta waana dad waligood ahaa dawlad iyo nidaam ku nool laakiin waxa la qabsan la ee dawaldanimdada iyo sharciga diidaan  waa uun XAARAN QUUTAYAAL soo baxay xiligii dawlad la aanta. waxaana waa jib ah cidkastoo cadaw ah oo hor istaagta dawladnimada soomaaliya in cagta la mariyo.

By. Yuusuf Omar

LEAVE A REPLY