Ciidamo Ajnabigu Uu Tababaro Oo Mushaar Uu Siiyo Iyo Sida Ay Qatar U Gelin Karaan Amniga Dalka

0
66

MUQDISHO:- Sida la ogyahay dhawaan ciidamo hubaysan oo milatari ah ayaa gudaha u galay oo baaritaano ku sameeyay mid ka mid ah guryaha uu degan yahay Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid waxaana la sheegay in ay ahaayeen ciidamo ay tababareen dalka Imaaraadka Carabta oo saldhigyo ku leh Magaalada Muqdisho.

Markii uu warkan soo baxay ayaa markiiba Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed “Farmaajo” uu si kulul uga hadlay weerarkii lagu qaaday Guriga Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid waxaana uu amray Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya in baaritaan deg deg ah uu ku sameeyo ciddii ka dmabeysay weerarkaasi iyadoo waqti kooban ka dib la xiray saraakiishii ciidankaas watay iyo askar 42 dhan.

CAALAMKA MAKA DHACDAA SIDAN OO KALE?

Haa weey ka dhacdaa. Waaba mushkiladaha lagu yaqaan ciidamada dalal shisheeye kuusoo tababaraan, oo aan dhaqan-celin lagu sameyn sida dalalka qaarba sameeyaan, oo ay dalka Pakistan kamid tahay.

Waxaa jira wadan la yiraahdo Ecuador, oo ku yaalla koofurta qaarada America (South America) oo Mareykanku ku lahaa saldhig weeyn oo Military, kuwaasoo Boliskooda uu Mareykanka tababari jiray, wax kastoo qalabeyntooda ah iyo waliba mushaaraadkoodana uu Mareykanku bixinjiray, iyadoo shirkado waaweyn oo Mareykanka ahna ay dhuuqi jireen dhaqalaaha dalkaasi.

Waa siyaasad iyo xaalkeede wadankii Ecuador iyo Mareykanka ayaa isku dhacay oo is khilaafay, waliba iyadoo Madaxweyne uu ka yahay dhaqaaleyahan shahaadada PhD-da uga soo qaatay isla dalka Mareykanka, laguna magacaabo Rafael Correa.

Waxaa hadaba dhacday in Mareykanka uu dabayaaqadii Sannadkii 2010-kii ka adeejiyey ciidaankii Boliiska ay soo tababareen, qalalaase mudo socday illaa Madaxweynihii Madaxtooyada loogu galay, oo lagu dhex afduubtay “afgambi” illaa ay dhacday in Military-ga dalka Ecuador ay soo badbaadiyeen, iyo xitaa shirqool dil oo wada fashilmay.

Madaxweyne Rafael Carrea ugu dambeyn wuxuu la wareegay wax kastoo Mareykanku siin jiray ciidankaa Boliiska dalkiisa. Wuxuuna diiday in uu u cusbooneeysiiyo sii joogitaanka Ciidamadii Mareykanka dalkiisa. Marka weey dhacdaa oo taariikhda caalamka ayey ka buuxdaa, tani waa hal tusaale.

Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Qalinkii: Abdi Boqor

 

LEAVE A REPLY