Yuusuf Garaad, Juxaa iyo Khadro I AM SORRY

0
74

MUQDISHO:- Aad baan uga Xumaadey Wasiirada Xilka laga qaadey iyo Habkii loo marey Xil ka qaadistooda hase yeeshee waxaa la yaab igu noqtey iyadoo aysan jirin  wax loo Cuksadey Xil qaadistaas, waxaan islahaa Wasiirka Warfaafinta waxaa uu sheegi doonaa Sababaha Xilalka ku waayeen Wasiiradaas  ha noqoto Musuqmaasuq, Shaqo ka soo bixid la’aan , la shirid Mucaaradka iyo ka soo qayb Gelid la’aan Shirarka Golaha Wasiirada waxaa ka sii yaab badanaa Wasiiradaas iyagoo Howl ku jira ayaa Xilkii laga qaadey.

Haddii aan mid mid u soo qaato Yuusuf Garaad Cumar Axmed  ahaa Wasiirkii arrimaha Dibadda oo aan ogahay in uu yahay nin Shaqo, Karti badan, aqoon leh islamarkaana wax badan ka og Xaaladda Soomaaliya  hadana Xilka waxaa uu kuwaayey Xarig Jiidka Siyaasadeed ee dalka ka jira gaar ahaan Dhacdooyinkii ugu Dambeeyey ee Dalka ka dhacay maadaama uu diidey in uu dhexdhexaadiyo Qabiil iyo Qaran , mida Xigta ee uu Yuusuf eersadey waxay tahay iyadoo Beesha ay markii hore ku qanacsaneyn Xilka loo Magacaabey Yuusuf Garaad oo Xilka ku heley Waayo aragnimadiisa iyo aqoontiisa waxaana la sheegey in tan iyo markii la Magacaabey ay Beesha Cadaadis ku heysey.

Yuusuf Garaad ayaa mar waliba aad u dhaliilsanaa Habka qaybsiga 4.5 mar uu ka hadlayey Xilgii uu u Tartamayey Madaxweynimada ee Dowladii Xasan Shiikh ayaa yiri “ inta 4.5 wax lagu qaybsanayo ha sugin  in dadka Aqoonta leh ay wax Helaan sidaa darteed Beelaha waaweyn waxaa ku dhex Dulman Beelo kale marka  hadii Xitaa ay Nasiib ku helaan Xilal  ama aqoontooda waa laga Daba shaqeyn si Xilka looga Qaado waana mid ka mid ah Dhibaatooyinka heysta Ummadda Soomaaliyeed ”

Yuusuf Garaad Dhacdooyinkii is Xig Xigey ee Dalka ka dhacay si Dibolmaasiyadeed ayuu uga hadlay waxaana ka mid ahaa Dhacdadii Bariire, Haanta Dheer, Dhacadii lagu weeerarey Guriga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur iyo Tii lagu weerarey Guriga Sanatar Cabdi Qaybdiid marka Dhacdooyinkaa isbiirsadey ayaa Dad badan ay qabaan in Yuusuf Garaad uu Xilka ku waayey waxaana Yuusuf Garaad lagu badeley nin Siyaasada ku Cusub oo Jufo ahaan ay is Xigaan Siyaasiga sida weyn uga soo horjeeda  Madaxweynaha Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur si Dowlada Culeyska uga imaanaya Mucaaradka uga Dego.

Hadii aan soo qaato  Mudane Cabdi Faarax Saciid Juxaa waxaa uu ahaa Shaqsi aad u Dadaal badan waxaana Howshii ugu Dambeysey ee uu Qaranka u qabtey ay ahayd markii uu Booqasho ku tagey Halka Kenya ay Darbiga dhiseyso isagoo arrintaas aad uga Hadley welina dhaliiley Xadudubka Kenaya ee Dhulka Soomaaliya  , sidoo kale waxaa uu ku howlanaa Diyaarinta Booqashada Madaxweynaha ee uu dhawaan ku tagi doono Magaalada Garoowe isagana waxaa uu eersadey Faragelinta Maamul Gaboleedyada  Gaar ahaan Cabdiweli Cali Gaas iyo Culeys ka imaanayey  Khilaaf  hore uga dhexeeyey  Raiisul Wasaaraha  oo ku saabsan eryadii uu Juxaa eryey Xoghayihii Joogtada Wasaarada Arrimaha Gudaha  taasoo uusan juxaa kala tashan  Mudane Khayre.

Khadro  Axmed Ducaale oo ahayd Wasiirkii Ganacsiga iyo Washadaha  waa Gabadhii Labaad oo Golaha Wasiirada ka baxada waxaa ka Horeeyey Maryan Qaasima oo iyadu iska Casishey Xilkii Wasiirnimo  waxaana Muuqda in Saamigii Haweenka uu meesha ka  sii baxayo  waxay ahayd Khadro  Haweeney  Howlkar ah Firfircoon  waxay iyana  eersatey Markii ay kala dirty Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed taasoo uu aad uga Caroodey Raiisul Wasaaraha waxaana la sheegey in Ganacsato Soomaaliyeed ay ka daba Shaqeeyeen  sidii Xilka looga qaadi lahaa Khadro   waxayna Shacabka Soomaaliyeed ay ka dheragsan yihiin in Ganacstada ay saameyn weyn ku leeyihiin arrimaha Siyaasada, waana Xoog aan la inkrin Karin oo Galaangal ku leh Siyaasada Dalka taasoo Cadeyn u ah Qaabiladii ugu horeysey  Markii Farmaajo la doortey waxaa uu ahaa Ganasato ka socotey Rugta  Ganacsiga.

Isku soo duubo waxaad Moodaa in Siyaasadii Dowladii ay Haadaan ka sii dhaceyso, welina Salfadhiya ma laha Dowlada laga soo bilaabo tan iyo markii  la doortey Madaxweyne Farmaajo oo la kulmey Caqabado badan , Dadkana waxay Saadaalinayaan in hadii aysan Dowlada sidaan iska bedelin ay Xaaladu ka sii darin doonta, waxana Mooda in Xukuumada Cagta Saartey Wadii Dowladii Xasan Shiikh, marka la fiiriyo , Qancinta Beelaha u Nuglaanta Maamul Goboleedyada, Soo Celinta Siyaasiyiintii Fashiley Dowladii Xasan Shiikh, Mucaaradka iyo  Xaquuqda Haweenka waayo Xukuumadii Hore  hal mar ayaa Laba Haween ah Xilii laga qaadey  sidaa Darteed  waxaa leeyahay  Yuusuf Garaad, Juxaa iyo Khadro I AM SORRY

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Tel   00252615532494

LEAVE A REPLY