Maraykanka oo gaadiidka aysan rasaastu Karin ugu deeqay dowladda Soomaaliya(Sawirro)

0
87

MUQDISHO:- Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta guddoomay 6 gaari oo  nooca aan Xabadda Karin ah.

Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa gaadiidkan ugu deeqday dowlada Somalia waxaana munaasabad kooban oo uu Wasiirku ku guddoomayay Gaadiidkaasi lagu qabtay xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga, taasoo ay goob joog ka ahaayeen wafdi ka socda dowlada Mareykanka.

Saraakiisha ka socotay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegay in gaadiidkan ugu tala galeen in lagu kaabo Wasaaradda difaaca Soomaaliya, si ay ugu qabato howlaha ay qabato.

Dhowaan ayay aheyd markii dowlada Maraykanku hakisay sahaydii ay siin jirtey ciidamada Milatariga Somalia kadib markii ay soo baxeen arrimo la xiriira wax isdaba marin.

LEAVE A REPLY