Qarax Saakay ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

0
61

MUQDISHO:- Qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso ayaa saakay ka dhacay Laamiga Warshadaha ee magaalada Muqdisho, waxaana qaraxan lala eegtay gaari dagaal ay wateen ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa ku waramayay in qaraxa uu ka dhacay agagaarka Warshadii hore ee Taraqa iyo Sigaarka , waxaana lala eegtay qaraxaasi gaari ay lahaayeen ciidanka booliiska Saldhiga degmada Dayniile.

Inta la xaqiijiyay labo askari oo katirsan ciidanka booliiska saldhiga degmada Dayniile ayaa qaraxan ku dhintay halka sadex kalana ku dhaawacmeen , mana jiro sida aan wararka ku helnay khaasaaro dad shacab ah soo gaaray ,

Qaraxyada miino ee ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa inta badan ka dhaca Laamiga Warshadaha , waxaama qaraxyadan inta badan lala eegtaa gaadiidka ay wataan ciidanka dowlada iyo kuwa AMISOM.

LEAVE A REPLY