Daawo Sawiradda:- Musiibo dad badan ku dhinteen oo ka dhacday gobolka California

0
60

USA:- Roob xoogan oo ka da’ay gobolka California ee dalka Mareykanka ayaa sababay in deegaano gobolkaasi katirsan uu dhulku go’ sidoo kale kusoo daataan dhagxaan waa weyn iyo dhoobo.

Deegaanada hada musiibadu ka dhacday ayaa ahaa dhulkii uu dabku ka kacay bishii hore , daadadkan xoogan iyo dhagxaan buuraha kasoo daatay ayaana jaray 30km oo ka mid ah jidka wayn ee halbawlaha u ah xeebta gobolka California .

Inta la xaqiijiyay 13-qof ayaa ku dhintay daadakan iyo dhul go’a ka dhacay gobolka California, waxaana jira dad badan oon wali kooxaha gurmadka aysan ku heyn nolol iyo geeri, waxaana la saadaalinayaa in khasaaraha intan uu kasii bato.

Waxaa socda howlgalo loogu gurmanayo dadka ay waxyeeladu kasoo gaartay musiibadan, waxaana kooxaha gurmadka ay soo bad baadiyeen dad badan oo ku go’doomay guryhaooda oo soo dumay.

Mike Eliason oo ah afhayeenka waaxda dabdamiska ee deegaanka Barbara County. ayaa sheegay in jidadka kusoo daateen dhagxaan waa weyn oo buuraha kasoo dumay sidoo kale guryaha qaar ayba soo dumeen aas aaskooda.

LEAVE A REPLY