Wasiirka Waxbarashada C/raxmaan Daahir oo la kulmay madaxda Jaamacadaha Muqdisho

0
102

MUQDISHO:- Wasiirka Waxbarshada Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Daahir Cismaan ayaa la kulmay Maamulayaasha Jaamacadaha, Aqoonyahano iyo Macalimiin, waxaana uu kala hadlay tayeynta tacliint sare ee dalka maadaama tirada dhigata Jaamacadaha laga dareemayo kobac aad u balaaran.

Kulankan ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay lataliyaha wasiirka waxbarashada waxaana uu sheegay in Jaamacada ay qeyb weyn kasoo qaateen heerka Waxbarshada Dalka.

“Dalka hadii aysan jiri laheyn jaamacadahan hada jira dhibaatada intaan wey ka sii badnaan laheyd ama waxay qeyb weyn ka qaadan lahaayeen nabad gelyo xumada dalka ka jirta”
Agaasimaha guud ee Wasaarada Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Xasan Maxamed Cali ayaa tilmaamay in hiigsiga Wasaarada uu yahay mid aad u fog sidoo kale ay gaba gabo marayaan Buugaagtii Dugsiyada hoose iyo dhexe oo ku qoran Manaahij mideysan

“Buugaagtii ayaa la qorayaa hada buugii Afraad ayaa socdo waxaan gacanta ku haya aqoonyahano iyo qaar kamid ah Macalimiinta Jaamacadaha sanadka soo socdana waxaa lagu bilaabi doonaa manhaj mideysan”.

Wasiirka waxbarshada xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Daahir Cismaan ayaa waxa uu sheegay in Wasaarada Waxbarashada ay ka go’an tahay tayeynta Waxbarashada dalka loogana baahan yahay in Jaamacadaha ay sare u qaadaan aqoonta Ardayda dhigata Dudsiyada ku yaala dalka.

“Annaga Wasaarada waxbarshada wey naga go’antahay in aan soo celino dalkaan waxbarshadiisa wey jiraan caqabado yar yar balse markaan jaamacadaha waxaa laga rabaa in ay sare u qaadaan tayeynta tacliinta dalka anagga diyaar ayaa ula nahay wax walbo.

LEAVE A REPLY