Madaxwaynaha Umada Soomaaliyeed Farmaajo Oo Booqday Dhulkiisii Filka Waynaa Ee Uduga Shacabka Iyo Dawlada Puntland Oo Aan Ukala Harin Bilida Madaxwaynahooda Qaranka

0
38

MUQDISHO:- Waxaan in yar ka faaloonayaa boqashadii taariikhiga ahayd ee uu madaxwaynaha umada soomaaliyeed maxamed cabdullaaahi farmaajo ku tagay mid kamid ah dawalad goboleedyada soomaaliyeed.Madaxwayne Farmaajo iyo wafti balaaran oo uu hogaaminayo ayaa dhawaan booqasho rasmi ah oo shaqo u tagay dawlad goboleedka dhulka filka wayn ee puntland taariikhdu markay ahayd 7.1.2018.

Waa dad noocee ah soomaalida dagan puntland shacab ahaan iyo dawlad ahaanba?

Uugu horayn waa dad soomaaliyeed,oo haysta kuna dhagan dhaqankii ab iyo awoowe laga soo gaarka ahaa ee soomaaliyeed oo la ilaaliyay.Waxaan cidina caad ka saarayn suubanaanta iyo qiimaha sare ee uu leeyahay dhaqanka soomaaliyeed dhan walboo laga eego.Hadaad eegto dhaqankeena soomaaliyeed habkii talada iyo isxukunka kala danbaynta iyo sharciga habka laysu doorto iyo cida la dooranayo waxa loogu xisho ee loo doorto intuba waxay ahaayeen hab ay hada ku dhaqmaan dawladaha horumaray ee xadaarada leh kaasoo ay uugu yeeraan dimiqraadi,laakiin dhaqanka soomaaliyeed boqolaal sano horteed ayuu ahaa dimiqraadi waliba ka hufan oo ka sareeya.

Puntland shacbakeeda iyo doorkii xoriyada soomaaliyeed iyo gumaysi la diriirkii.

Waxay shacabka goboladani ahaa yeen kuwo door fiican ka qaatay la dagaalankii gumaystaha shisheeye ee damaaciyay dalkeena,kuwaasoo layimid gumaysi dhulka soomaaliyeed ee xorta ahaa.shacabka soomaaliyeed deegaankasta oo uu joogay waa ka dhiidhiyay quursigii gumaystaha iyo damiciisii.shacabka puntland marwalba halgankaa horseed bay ka ahaayeen,waana shacab jecel soomaalinimada iyo dawladnimada necebna gumaystaha iyo dawlad la aanta.puntland waxay soomaali la qaybsatay dhankeeda difacii dalka iyo diinta iyo dadka soomaaliyeed taariikhdaana qortay doorkoodii shariifka ahaa.

Puntland xiligii burburka  ee dalku ku soo dhacay dawlad la aan.

Waxay markiiba yaqleeleen in dagaanada puntland la caymiyo,dadkana loo sameeyo xasilooni kala danbayn iyo amaan.waxay dib boodhka uuga jafeen waxay lahaayeen oo ah dhaqanka soomaaliyeed.dhaqankeenu sida uu dhigayo geedkii ayay u laabteen oo gogol nabadeed dhigeen.waxaa isu yimid indheer aragii bulshada iyo wixii maskaxmaal carada joogay,waxay tuujiyeen maskaxdooda oo kasoo maaxiyeen in xal loo helo bulshada soomaaliyeed ee kusugan puntland kadibna soomaaliya oo dhan.halkaa waxaa kasoobaxay in la dhiso dawlad goboleed puntland 1991 dii loo dhan yahay.hayeeshee hadafkeedu waa ka duwanaa kan soomaaliland oo ah maamul ka horeeyay kan puntland balse hadafkiisu yahay dan dad kooban oo kamid ah shacabka soomaaliyeed ee ay ku dhacday dawlad la aantu 1991 dii.

Puntland hadafkeedu waa dalkeena soomaaliya iyo dadkeena soomaaliyeed oo hela dawlad buuxda oo shaqaysa hela midnimo amaan iyo kala danbayn. si jiilsha danbe ee soomaaliyeed iyo kuwa hada noolba ay u helaan nabad iyo nolol xasilooni iyo karaamo.

Puntland deeganada ay maamusho waa wada aragnaa hormarka iyo wanaaga ka jira,waa aragnaa in shacabkii soomaaliyeed isaga yimid koonfur iyo waqooyi iyo galbeed isagoo si karaamo iyo sharafleh uugu nool puntland,waxaana xeerku yahay in qofkasta oo soomaaliyeed oo yimaada deegaanada puntland uu yimid dhulkiisii oo cid ka sheegan karta iyo cid ka xigtaa midna jirin waayo waa dhulsoomaaliyeed soomaali baana leh.waxaana sidan dhigaya wadaniyada soomaaliyeed oo ah in dalka aynu wada leenahay inagoo ah soomaali gobolkuu doono ha noqdo shardigu waa matahay soomaali oo kaliya. puntland hooygii umada soomaaliyeed waana hooyadii xoriyada iyo dawladnimada.waa aas aasihii dawladan fadaraalka ah ee hada jirta ee madaxwaynaheedii caawa si nabad buuxda ah u seexday isagoon dareen qabin.

 Puntland iyo soo dhawaynta madaxwaynaha

Kolkii ay shacabka puntland xanta heleen ah in madaxwaynihii umada soomaaliyeed ku soo fool leeyahay,ayaa naf walba oo dhaqaaqdaa oo ah shacab iyo dawladba guntiga dhiiisha isaga dhigtay.waxaa lasoo jeeday habeeno iyo maalmo farxad iyo diyaar garoow darteed.qofkastaa wuxuu dib uugu noqday wuxuu heli karaayay ama haaban karaayay,oo waxa uu suuqa u doontay dhar cusub oo labis ah sidii iyadoo ay tahayba ka anamaa ciid oo kale! qof waliba ee reer puntland ah waxa uu ulabistay lakulanka iyo soo dhawaynta madaxwaynahooda ay aadka u jecel yihiin FARMAAJO. Waxay hoosta ka xariiqeen in ay u muujiyaan kalgacalka ay u hayaan dawladnimada soomaaliyeed iyo madaxwanahaba.

Hadii maalmo iyo habeeno la dhawraayay madaxwayne farmaajo,waxa uu soo dagay duhurnimo maalin axad ah 7 janaayo 2018. shacabkii iyo dawladii puntland oo u dhan heer madaxwayne iyo kuxigeenkii iyo baarlamaankii iyo ciidankii iyo shacabkii qaybihiisa,ma dumarbaa,ma ragbaa,ma gabdhaa,ma wiilalbaa,ma salaadiinbaa,ma boqoraa,ma akhyaarbaa,ma garaadaa, suldaanaa,ma beel daajiyaa,ma ugaasbaa,ma culimadii diintaa,looma kala harin shacabkii ku naalaa Caamida GAROOWE ee puntland.halmar ayaa markii la rakay muuqalka madaxwaynaha lagu soo kala baratamay isagoo qof walbaa jeclaystay in uu gacan qaado kalgacaylka iyo maxabada soomaalinimo ee loo hayo madaxwaynaha qaranka soomaaliyeed maxamed cabdullahi farmaajo.

Hadaan ciidanka amaanka iyo nidaamku isku gadaamin dadka jidbaysan ee farxadu ka badatay halis bayba galin lahayd madaxwaynaha iyo waftigiisa.Run ahaan shacabka soomaaliyeed ee puntland waa shacab dawlad doon ah oo wadani ah oo jecel soomaaliya oo leh dawlad shaqaysa oo  dalka oo dhan ka talisa.waa shacab ah soomaali dhab ah waana mid uu ku faano qofkasta oo leh damiir soomaalinimo iyo mid wadaniyadeedba.

Waxaan xasuustay qisadii asxaabigii waynaa Mucaawiye bin abuu sufyaan oo shaam xukumaayay,xili amiirkii mu´miniinta layara dhibay ayuu kula taliyay amiirkii mu´miniintoow halkan shaam oo ahayd suuriya imaw oo kaalay waayo dadkan reer suuriya waa dad madani ah oo wax maqla oo jecel isxukunka iyo kala danbaynta yacni ma dhib badna.Madaxwayne farmaajo dhawrkan habeen sifiican ayuu useexday baan isleeyahay,dhagihiisuna waa ka raysteen warxun iyo dawlad diid,waxa ay maqlaana waa dawlad doon iyo ismaqal.

Dr Gaas madaxwaynaheena puntland oo aan aadka u jecelahay hade ha la hadlo sidii maucaawiye madaxwaynihiisa.puntland cidna duulaan kuma aha sideedaba waxa lagu eedaana waa uun dawlad doonimadaas iyo soomaalinimadaas.waxay puntland u rajaynaysaa shacabka soomaaliyeed dal iyo dibadba in ay dareemaan oo aynu isla wada fahano macnaha dawladnimo? inagoo soomaali ah ayaa leh dhulkaan baaxada wayn oo inaga badan oo leh khayraad nooc walba ah aan ilaashano oo ka faa iidaysano,kamana faa iidaysan karo oo ma ilaashankaro hadaynaan lahayn dawlad xoog leh oo dalka oo dhan hanata oo difaaci karta bad iyo bari iyo badba.

Madaxwayne farmaajo waxa uu aad uugu farxay in uu indhihiisa ku arko shacab soomaaliyeed oo u heelan dawladnimada soomaaliyeed,waxa uu arkay dad jecel madaxwaynahooda waxa uu arkay shacab diyaar u ah diifa diinta dalka iyo dadka soomaaliyeed.waxa uu arkay dawlad doon,wuxuu hubuu hayaa maanta madaxwayne farmaajo oo ah geesi wadni ah oo soomaali nadiif ah.dadka soomaaliyeed waa dad wada walaal ah waa in aynu ilaashanaa dawladnimadeena iyo karaamadeena soomaalinimo iyada oo kaliya unbaynu wax ku nahay.puntland guul bay u rajaynaysaa dalkeena iyo dadkeena iyo dawladeena tani waa soo dhawayntii madaxwayne farmaajo oo aan dulmar yar kusameeyay anoo soowada qaadaa dhigid rasmi ah oo la xariirta mawduucaan hadii rabi idmo.

By.Liiban Ali

LEAVE A REPLY