Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku dhawaaqay xilliga uu furmayo shirka wadatashiga Muqdisho

0
31

MUQDISHO:- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa ku dhawaaqay xilliga la qabanayo shirka Wadatashiga Nabadgelyada iyo Horumarka Muqdisho, kaasoo 7-dii bishan u baaqday arrimo farsamo.

Guddoomiye Taabid ayaa sheegay in 28 bishan uu furmi doono shirka wadatashiga, isla markaana sidii loogu tala galay uu u qabsoomi doono.

“Shirkii dib nooga dhacay ee Wadatashiga Nabadeynta iyo Horumarinta Gobolka Banaadir, waxaa uu dhici doonaa 28-ka bisha Janaayo”ayuu yiri Guddoomiye Taabid oo ka hadlayay munaasabada uu xariga ugu jarayay wado loogu magac daray Jen. Kaahiye oo isku xirta Garoonka Diyaaradaha iyo Dugsiga Tababarka Jen. Kaahiye.

Shirka Wadatashiga Nabadgelyada iyo Horumarka Muqdisho ayaa la baajiyay, waxaana baaqashadiisa ka soo baxayeen warar kala duwan sida khilaaf u dhaxeeyay Guddoomiyaha Gobolka iyo Ra’iisul Wasaaraha.

 

LEAVE A REPLY