Nin Kufsi iyo dil arxan daro ah u geestay Gabar Lix Sano jir ah oo la qabtay

0
43

PAKISTAN:- Ciidamada booliiska dalka Pakistan ayaa gacanta ku dhigay nin dhalinyaro oo la rumeesan yahay in uu kufsi iyo dil arxan daro ah u geestay Gabar lix sano jir ah.

Gudoomiyaha gobolka Punjaab, Shahbaz Sharif ayaa sheegay in ciidamada booliiska soo qabteen Cimraan Cali oo 24 jir ah oo lagu tuhmayo in uu dil iyo kufsi u geestay Zainab Ansari .

Ninkan ciidamada booliiska soo qabteen ayaa baaritaano lagu sameeyay ku qirtay in uu ka dambeeyay dilka gabadha yar , waxaana ninkan la sheegay in uu daris la ahaa qoyska uu gabadha yar ka dilay.

Dilka iyo kufsiga loo geestay gabadhan yar ayaa caro badan ka dhaliyay dalka Pakistan gaar ahaan gobolka Punjaab, waxaana dad badan oo falkan ka careesan dhigeen banaan baxyo xoogan.

LEAVE A REPLY