Maxaa nooga baxay heshiiska siyaasadeed ee hannanka cadaaladda iyo asluubta ee lagu saxiixay Jowhar ?

0
47

JOWHAR:- 24 Janaayo 2018, waxaa magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad gobaleedka hirshabeelle lagu saxiixay heshiiska siyaasadeed ee hanaanka cadaallada iyo asluubta Soomaaliyeed, heshiiskan waxaa hurmuud ka ahaa wasaaradda cadaaladda iyo arimaha garsoorka ee dowladda federalka soomaaliya oo ay wehliyaan wasaaradaha cadaaladda ee dowlad gobaleedyada oo dhan.

Heshiiskan siyaasadeed wuxuu ku saabsan yahay qaabka la doonayo in ay noqoto caddaladda Soomaaliya, sida qaab dhismeedka  hay,addda garsoorka dalka oo ay ku jiraan maxkamadaha dalka, golayaasha adeegga garsoorka sidoo kale machadka tababarka garsoorka, xafiiska xeer-ilaalinta, wasaaradaha cadaaladda, ciidanka asluubta, qareennada iyo nootaayooyinka.

Haddaba markii aan aqriyay heshiiskan siyaasadeed waxaa iiga baxay in  gabi ahaantiisba uu ka soo horjeedaa dastuurka federalka KMG ah iyo shuruucda kale oo dalka, waxaan si gaar ah u tilmaami doonaa meelaha ugu daran ee heshiiskan uu ku khilaafsan yahay  dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka oo ah sida hoos ku xusan:

  • Qaybta uu heshiiskani ugu hadlayo maxkamadda dastuuriga ah wuxuu sheegayaa in maxkamadaha sare ee dowlad gobaleedyadu ay galayaan  dacwadaha dastuuriga ah ee heer dowlad gobaleed, arintan waxay si toos ah uga soo horjeedaa sharci Lr 23 ee 27/06/2016, ee ku saabsan dhismaha maxkamadda dastuuriga ah gaar ahaan qodobada 4aad, 16aad iyo 17aad, oo siinayo maxkamadda dastuuriga awoodda ka garnaqista dacwadaha dastuutiga ha noqdeeno heer federal ama heer dowlad gobaleed.

 

  • Isla qeybta maxkamadda dastuuriga ka hadlayso waxay sheegeysaa in dacwadaha dastuuriga ah oo ay galaan maxkamadaha sare ee dowlad gobaleedyadu qaarkood racfaan looga qaadan karo maxkamadda dastuuriga, arintaas oo khilaafsan hanaanka loo qaado dacwadaha dastuuriga ah, oo ka bilowdo maxkamadda dastuuriga ah kuna dhamaado isla maxkamadda dastuuriga ah.

 

  • Qaybta ka hadleyso maxkamadaha caadiga ah ee dalka, waxaa lagu sheegay in maxkamadaha caadiga ee heer federal ay ka kooban yihiin hal maxkamad kaliya oo ah maxkamadda sare ee heer federal, waxaa kale oo isla qeybtaas lagu sheegay in ay jirayaan dacwado kala gedisan oo heer federal ah laakin lama sheegin  maxkamadda  awoodda u leh ka narqadista dacwadaha heer- federal maadaama aysan jirin maxkamaddo rajada 1aad iyo darajada 2aad ee heer federal mise dacwadaha heer federal hal darajo kaliya ay ku egyihiin oo waxay ka bilaabanayaan maxkamadda sare isla ayada ayayne ku dhamaadaan, arintaan waxay ka soo horjeedda dastuurka federalka gaar ahaan qodobka 108aad ee dastuurka FKMG ah oo ka hadlayo qaab-dhismeedka maxkamadaha dalka.

 

  • Taa badalkeeda heshiiskan siyaasadeed wuxuu siiyay dowlad gobaleedyada in ay yeeshaan 3 heer maxkamadeed oo kala ah darajada 1aad, racfaanka iyo maxkamadda sare.

 

  • Siyaasaddu waxay leedahay in garsoorka gobalka banaadir loo maamulayo sida hadda uu yahay inta meel laga saarayo maqaamka gobalka banaadir, arintan oo u muuqato in adeegga garsoorka iyo siyaasadii la is dhaxgelinnayo.

 

  • Siyaasaddu waxay tilmaamaysaa in arimaha la xiriira aqoonsiga xukunnada shisheeya iyo  isku celinta eedaysanayaasha iyo dambiilayaasha ay leedahay maxkamadda sare ee dalka arintaas oo khilaafsan ama si toos ah ugu horimaanaysa shuruuc soo jireen ah oo arimahan nidaaminnayso gaar ahaan qodobada 279,ilaa 281, 282 ilaa 286aad ee XHCS, iyo qodobada 312 ilaa 316aad ee XHMS, oo nidaaminayo arimaha aqoonsiga xukunnada shisheeya iyo isku celinta eedaysanayaasha iyo dambiilayaasha, oo awoodaaas siinnayo maxkamadda racfaanka ayada oo ay xusid mudan tahay in sababta arintaas maxkamadda racfaanka loo siiyay ay tahay in go,aanka maxlamadda racfaanka cidii aan ku qanci ay fursad u hesho in ay uga cabato maxkamadda sare,  hadii awooddas maxkamadda sare la siiyo intee looga cabanna?

 

  • Siyaasadan qebta ka hadleysa golaha adeegga garsoorka waxay ka soo horjeedaa 109A iyo 111A ee DFKMG.

Intaas waxaa  dheer in siyaasadani aysan waafaqsaneyn mid ka mid ah sadaxda nidaam garsoor ee dowladaha federalka  ee dunido isticmaalaan sida nidaamka garsoorka ee is garab socdo ( dual system) kan isku dhafan ( mixed system) iyo kan mideysan ( integrated system), waxaa kale oo xusid mudan in garsoor aan lagu maamuli Karin  heshiis siyaasadeed oo ay tahay in sharci kaliya lagu maamulo.

Ugu dambeyntii siyaasadani waxay si toos ah u khilaafsantahay  dastuurka FKMG ah  iyo  ugu yaraan shan  sharci oo kale oo ah, sharciga dhisidda maxkamadda dastuuriga ah ee sharci Lr 23 ee 27/06/2016, Xeerka Nidaamka garsoorka ee dhaqangalka ah ee 1962, xeerka dhisidda gobala adeegga garsoorka  ee xeerka Lr 28, 2014, xeerka Habka madaniga iyo xeerka habka ciqaabta soomaaliyeed.

Waxaa Diyaariyey:  Qareen,  Daahir Maxamed Cali

LEAVE A REPLY