Guddiga Doorashooyinka oo war ka soo saaray Doorashada Kursi ka mid ah Golaha shacabka

0
78

MUQDISHO:- Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaran Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey) ayaa ka hadashay Doorshada Kursi ka mid ah Golaha Shacabka oo maalinta berri ka dhici doona magaalada Jowhar.

Xaliimo Yarey ayaa sheegtay in doorashada kursigaas ay ku tartamayaan Hal beel oo kale, gaar ahaan Beesha Cali Madaxweyne, isla markaana ay muhiim tahay in la buuxiyo, kaasoo uu horay u waayay Taliyihii Ciidanka Nabad-Sugida Soomaaliya.

Waxaa ay sheegtay in ay rajo wanaagsan ay ka qabaan in ay u dhacdo doorashada si wanaagsan oo cadaalad ah,isla markaana Ergo ka kooban 51 ay wax dooran doonaan.

Illaa Lix Musharax oo ay mid ka mid ah dumar tahay ayna ka mid yihiin Madaxweynihii hore Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble, C/llaahi Sanbaloolshe iyo musharaxiin kale ayaa u tartamaya kursigan.

Doorashada Kursigan ayaa ah midka ugu hadal heynta badan, isla markaana si gaar ah isha loogu haayo, waxaana ka socda magaalada Jowhar olole aad u xooggan.

 

LEAVE A REPLY