Codsi Ku Socda Dawlada Somaliland Kana Yimid Saaxiib Soomaaliland Jecel

0
33

Wadani Naciima Qorane

HARGEYSA:- Waxaan tix galinayaa nidaamka iyo shuruucda u yaala dawlada soomaaliland.Magaran karayo in uu jiro sharci dhigaya in muwaadinka soomaaliland u dhashay uusan aamini karayn fikir ah in ay quruxbadan tahay dawlada somaaliland ee hada la soo noqotay goni isu taageeda,balse ay kasii quruxbadan tahay somaali oo israacda oo hesha dawlad tan soomaaliland kasii dhul weyn kana sii dadbadan oo ah dawlad soomaaliyeed oo mid ah.hadaba qodob sidaa oranaya oo la xariira xuquuqda aragtiyeed ee qof leeyahay in uu ufikiro kadibna aamino fikirkiisa in xarig lagu mutaysanayo qodob ah haduu jiro,waxay tahay in cida ay khusaysaa tix galiso sharcigaas yaala.

Hayeeshee waxaa haboon in qodobkaas dib loogu noqdo,maxaa yeelay xoriyada wadaniga waxaa uugu horeeya in uu fikirkiisa iyo waxa uu aamin sanyahay xor u yahay,laakiin waxaa uu aamin sanyahay wax uuguma dhimi karo xasiloonida dawlada iyo dalka. tusaale ahaan shirar siyaasiya oo qofku qabto isagoo faafinaya fikirkiisa,kicin dad wayne ama beelo si nidaamka dawliga looga horyimaado,jabhad hubaysan oo la abaabulo iyo wixii lamid ah waa danbi qaran dawladuna waa inay qabataa qofkaas. laakiin qof wax aamin san waxna aan kuugu dhimayn aaminkaas ficliyan maxaad u aamintay laguma qabsan karo isagaa xor u ah fikirkiisa siyaasadeed.

Waxaan dawlada ku raacsanahay soomaaliland ilaalinta amaanka iyo xasiloonida shacabka soomaaliland.kala danbaynta iyo sharciga waa ku amaanaynaa waana ku saxan yihiin waana mahad sanyihiin.Dawlada soomaaliland iyo shacabkeeduba si wanaagsan oo nabad galyo ayay u nool yihiin,halkaa kasii wada oo hormar tiigsada.

Hadaan usoo noqdo codsigayga saaxiibtinimo waxaan leeyahay,Naciima Qorane waa gabar waana qof yaroo mustaqbal higsanaysa weel wayn ayay wax ku doonaysaa dadkuna kala han wayn waligiiba,mana arag intaan ogahay duulaan iyo cadaawad ay u hayso dawladeeda iyo shacabkeeda soomaaliland,laakiin waa aragnay wanaag ay la doonayso,hadaba inantan yari waa wax tar cidkasta anfacaysee halasii daayo hana lasiiyo xoriyadeeda oo buuxda. waxaana haboon in uusan dhaawac soo gaarin dimuqraadiyada dawlada soomaaliland.

Gabagabadii iyo Gunaanadkii

Waxaan dawlada somaaliland ka haystaa fikir fiican,waxaana u arkaa in ay gaareen heer maanta ay ka horeeyaan dalal badan oo dunida ka jira oo dawlado ah.waxaan marlabaad cod sanayaa Naciima oo hesha xoriyadeeda oo lasoo daayo dag dag.shacabka somaaliland waxaan leeyahay ilaaliya sharciga dalkiina iyo dawladiina u yaala.kadanbeeya dawladiina oo garab taagnaada oo isku duubnaada.dib ha u laabanina hore usocda tiigsada shaqa abuur iyo maal gashi iyo tacliin.waxaan soomaaliland u rajaynayaa guul iyo hormar.

Hada xili xasaasiya ayaad ku jirtaan oo isbadal dawladeed ah,hadaba dawladan cusubi wali salkaba ma dhigin dhulka oo xafladihii ayaaba socda,bal horta wax hay idiin kala dageen oo dawladu ha fariisato,say wax u maamushana bal hada darsa oo eega,hana ku mashquulina hebal baa xamar tagay iyo heblaayaa boosaaso tagtay! faldanbiyeedka ayaa xun iyo qas wadanimada ee dadkani waligiiba sidaa unbuu isu dhex socon waxna kuma jabna socsocdkaa nabada ah.waxaan rajaynayaa in aad u tix galin doontaan cod sigaygaas sidaan idiin tix galiyo si lamid ah.mahad sanidin.

LEAVE A REPLY