Magaalo ku taalla Soomaaliya oo laga mamnuucay in laga furo kaalimaha Shidaalka iibiya

0
46

GAROWE:- Magaalada Garowe ee xarunta dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa laga mamnuucay in laga furo kaalimaha shidaalka ka iibiya gaadiidka dadweynaha.

Talaabadan ayaa ka dambeysay ka dib markii afar qof ay ku dhinteen afar kalena ku dhaawacmeen dab xooggan oo habeen hore qabsaday kaalin shidaal oo ku taalla Magaaladaas.

Duqa Magaalada Garoowe, Xassan Maxamed Ciise (Goodir) ayaa ku dhawaaqay go’aanka magaaladaas looga mamnuucay kaalimaha shidaalka.

Xassan Goodir ayaa sheegay in dabka qabsada kaalimaha shidaalka magaalada Garoowe oo marar badan soo laalaabtay uuna dhaliyey khasaare nafeed iyo mid hantiyeed sidaas awgeedna uu maamulku soo saaray go’aankan.

Dadkii ku dhaawacmay dabkii habeen hore oo gaaraya ilaa afar qof ayuu sheegay loo qaaday magaalda Muqdisho si loola tacaalo xaaladooda caafimaad oo aad u liidata.

Waxaa uu ballan qaaday in sanadkaan uu maamulkiisu keeni doono Magaalada Garoowe dab-demisyo waaweyn oo gacan ka geysta deminta dabka.

LEAVE A REPLY