Al Shabaab oo sheegatay Masuuliyada Qarax lagu dilay Faarax Ciise Samatar

0
56

GAALKACYO:- Waxaa maanta qarax ka dhacay Xaafada Garsoor ee Waqooyiga magaalada Gaalkaco lagu dilay Sargaal la sheegay in uu katirsanaa Ciidamada Maamulka Puntland.

Qaraxan ayaa ahaa mid gaarigiisa loogu soo xiray Faarax Ciise Samatar (Faarax Caato) oo Al Shabaab sheegeen in uu ahaa sargaal katirsan Ciidamada maamulka Puntland.

War kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxaasi masuul ka aheyd Al Shabaab, waxa ayna Shabaab sheegeen sargaalka la dilay in uu tababaray ciidamada Puntland.

Al Shabaab ayaa marar badan qaraxyo iyo dilal loo geesaty saraakiil iyo masuuliyiin katirsan maamulka Puntland waxa ay ka fuliyeen Waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

LEAVE A REPLY