Madaxweyne Farmaajo Iyo Ra’iisal Wasaare Kheyre Ha u Dhaqmina Sida Madax kala Talis Ah

0
97

MUQDISHO:- Mudo haatan dhawr maalmood ay inaga xigto kuna beegan Bishan February marka ay 8 tahay Sannadkan 2018-ka waxaa mudo sannad ah ay u buuxsamaysaa maalintii xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay si rasmi ah ugu doorteen Mudane Maxamed Cabdulahi Farmaajo inuu noqdo Madaxweynahii sagaalaad ee ay yeelato Jamhuuriyada Soomaaliya iyadoo isla Bishaas February 23-kedii Sannadkii 2017-kii uu Madaxweyne Farmaajo xilka Ra’iisal wasaaraha uu u magacaabay Mudane Xasan Cali Kheyre.

Baarlamaanka markii ay ansaxiyeen Ra’iisal wasaare Kheyre waxuu isaguna maalmo kooban ka dib uu soo dhisay gole wasiiro oo lixdameeyo ka kooban waxuuna balan qaaday in ay wax ka qaban doonaan dhibaatooyinka jira oo xaga amniga uu ugu weyn yahay.

Mudadaa sanadka ah ee ay dhisan tahay dawladda waxaa la oran karaa waxyaabo badan ayey qabatay iyadoo dhinaca kale ay jirto in arimo badan oo loo baahnaa wax ka qabadkoodu ay dawladdu ka gaabisay.

Dhinaca kale duufaano siyaasadeed oo aad u xoog badan ayey dawladdu la kulantay mudadada sannadka ah ay jirtay kuwaas oo gil gilay waxaana ugu cuslaa arimahii la xiriiray dhiibistii muwaadinka soomaaliyeed ee Cabdikariim Sheekh Muuse “Qalbi Dhagax” oo isagoo dhulkiisa hooyo ku nool oo jooga loo gacan geliyey cadawga Itoobiya taasoo shacbiga soomaaliyeed meel kasta oo uu joogo arintaas ay aad uga caroodeen.

Waxaa kaloo jiray mucaarado xoog leh oo dawladdu ay kala kulantay siyaasiyiin mucaarad ah kuwaas habka mucaaradnimadoou ay kala duwan tahay.

Hadaba dad badan oo soomaaliyeed oo indheer garad ah ayaa markii ay qiimeeyaan xaalada siyaasadeed ee dalka uu ku sugan yahay ayaa waxa ay dareemeen in habka dawladdu ugu jawaabeyso dadka mucaaradsan in ay tahay mid qaab daran oo ku dhisan Caburin,Xarig iyo in aan wax shir ah la qaban karin iyadoo taasi ay muujinayso in dulqaadka uu ku yaryahay madaxda sare gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Kheyre iyo kooxaha la taliyeyaasha u ah oo hab dhaqankooduna uu u egyahay mid keli talis ah oo cidii u Guul wadeysa oo Amaantana ay soo dhaweystaan cidii Dhaliisha oo tilmaanta in wax qaldan yahiine ay Cadaawad u qaadaan taasoo ah hab aan wanaagsaneyn hoosna u dhigaya taageeradii ay shacab badan u hayeen xukuumada aakhirkana bur bur u horseedaya.

Dhinaca kale waxaa la tilmaami karayaa in ay jiraan dad dhalinyaro u badan oo aad u taageersan dawladda oo hadii habka dawladdu ay wax u wado la mucaarado dagaal iyo weerar ku qaada kuwa wax dhaliilsan iyadoo dhalinyaradaas qaarkood dadka dawladda dhaliila u arkaya in ay cadaw ku yahiin madaxda sare iyo guud ahaan dawladda.

Sida ay qabaan dadka wax garadka ayaa ah in dawladdu ay dulqaad muujiso oo ay dhageysato dadka mucaaradsan oo hadii waxa lagu mucaaradayo ay yahiin wax jira ay iska saxaan hadii aysan jirina ay waqti ku lumin qof hebel iyo koox hebel ayaa wax ka sheegay ama dhaliilay dawladda ayna xooga saaraan hawshii ay ummadda ka sugeysay ee loo igmaday in ay kasoo dhalaalaan taasoo guud ahaan dalka iyo dadka u dan ah.

Ugu dambeyntii waxaa haboon dadka wax dhaliila iyo guud ahaan mucaaridku in dhaliishoodu ay noqoto mid wax dhista oo toosin ah ayna noqon mid wax dumisa oo shaqsi weerar ah dhinaca kale dadka muxaafidka ah ee dawladda taageersan waxaa iyaguna haboon in aysan isu arkin in dadka ay ka xigaan madaxda sare iyo dawladda oo dhan waayo mucaarid iyo muxaafid dawladda iyo dalka waa la wada leeyahay.

Bal walaal akhriste adiguna fekerkaaga ku darso sida aad u aragto arimahan iyo waxii aad ku biirin karto.

Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

By. Abdulahi Nur Colombo

LEAVE A REPLY