Wada Hadalka Somaliland Iyo Somaaliya Oo Sababi Kara In Soomaaliya Yeelato Caasimad Cusub Iyo Xalwaara Oo Dawladnimo

0
83

MUQDISHO:- Wada hadal ayaa u bilaabanaya soomaaliland iyo soomaaliya.si kale hadaan u dhigno hadalka waxaa wadahadal dhex marayaa,labadii kumidoow day hal dawlad 1960 oo is raacday.waxayna ka xoroobeen laba guumaysi oo hore u kala qaybiyay dadka soomaaliyeed ee ah halka umad.Hadaba markii 1991 burburkii dawaladii dhexe ee soomaaliyeed dhacay dalkuna noqday dawlad la aan,ayaa goboladii waqooyi ku dhawaaqeen in ay yihiin dawlad kamadax banaan soomaaliya inteeda kale oo gooni u taagan.

Dawlada laga dhisay soomaaliland waxay tahay mid aan aqoonsi dawladeed haysan oo sharciyan kamid ah wali dalka soomaaliya ee ay  is raacan 1960 kii. Laakiin waa dawlad leh nidaam iyo kala danbayn iyo sharci oo jirta. shacabka soomaaliyeed waxay u dhagtaagayaan wada hadalada iyo maxsuulka ka soobaxa. waxaa hadaba hada ka soo fiicnaaday waxbadan koonfurta soomaaliya oo ahayd mudo dheer mid fawado ah oo aanu ka jirin sharci iyo kala danbayn dawladnimo. Hadaba waxaad aragtaa in xasiloonida koonfurtu keenayso rajo fiican oo ah in loo wada hadlo qaab laba dawladood ah soomaaliya iyo soomaaliland.

Dalka soomaaliya waxa uu ku jiraa mudo nusqarni ah,nidaam iyo sharci la aan,hayeeshee haduu cagta la helay hanaankii dawladnimo iyo sharciga oo shaqeeya.waxaana haboon in dalka soomaaliyeed loo jiheeyo hanaan dawladnimo iyo dal xukuma oo ilaaliya xuduudiisa cir iyo bad iyo bariba. dawald nimadu waa mid wayn oo dalwalbaa uusan ka maarmin jiritaankeeda. qofkasta oo soomaaliya waa in uu helaa dal xor ah iyo dawladnimo buuxda taasaa nin walbaa ku helayaa karaamo. waxa qof walba deeqdaana waa soomaalinimo iyo dawladnimo wixii intaa ka soo haraana waa baaba iyo hoog iyo halaag iyo waxaan jirin.

Soomaaliya waji cusub iyo waa cusub ayaa u baryaaya dhawaan,waxaan qabnaa oo aan waliba aad u soo dhawaynaynaa,aragtidan cusub ee ay soomaaliland shacabkeeda ka guuxaysa maamulkuna la qabo  oo ah isku darsankii shalay iyagaa yimid oo ku soo darsamay koonfur,maanta waa in koonfuri timaadaa waqooyi ama soomaaliland,taa macnaheeduna waxaa weeye shalay hargaysaa ahayd caasimada dalka soomaaliyeed ee labaad,maanta waxaa weeye in koonfuri timaado oo soomaaliland hesho caasimada koobaad. aragtidaan waa mid saliim ah oo lagu heshinkaro,waxaa kaloo jira in badan oo koonfurta soomaaliya ah ayaa fikradaa iyo guuxaa iyana qaba oo xalka soomaaliya u arka qudhoodu.

Soomaaliland caasimada haka dhigteen deegaankooda magaaladay doonaan,laakiin maanta caasimadu waa xagooda.tani waxay cayminaysaa maslaxada guud ee wada jirka soomaaliyeed waana xal dan u ah dalka. Sababo badan ayaa jira waa marka koobaad ee dadka soomaaliland ee ka aamin baxay koonfurta kadib markay ku biireen,ayaa waxaa soo noqonaya kalsoonidoodii. waa marka labaad ee soomaaliland waa meel nabad ah oo dawladi ku shaqaynayso isla markiiba oo uma baahna ciidamo shisheeye in la keeno oo madaxda iyo dawlada ka ilaaliyaan shacabkoodii sidaa Mogdisho ka jirta oo kale. Waamida sadexaade shacabka soomaaliland waa shacab dawlad doon ah halka Mogdisho dawlad diid ka tahay oo aan dawladi ku shaqayn karayan in kastoo hada ay inbadan dhaanto sidii hore,laakiin ma jecle shacabku dawladnimada!!

Maadaama labaadi goobayo xasilooni iyo sharci iyo kala danbayn,dalkuna helo dawlad rasmi ah oo shaqaysa si buuxda arintani waxay u tahay dalkeena xal waara. wada hadala hada way ka duwan yihiin kuwii hore oo iska ahaa shimbarayahoow heesa! madaxwaynaha somaaliland isagaaba cadeeyay heshiis yadii hore in ahaayeen kuwo khiyaano iyo been ku salaysnaa oo ka fogaa wajihida xaqiiqda jirta. waana runtii madaxwaynaha.

Waxaan u aragnaa hada labada dhinacba inay hayaan dad masuul ah oo wax ka go aan. sidaas ayaan rajo fiican u qabanaa shacabka soomaaliyeed dal iyo dibadba.Marka laga hadlayo caasimad,macnaheedu maha in meeshii laga dhigo ay leedahay soomaaliland,macnaheedu waxaa weeye xarun ay fadhido dawladu oo ku shaqyso si xor ah.gacantana ku hayso,shacabka soomaaliyeedna uu wada leeyahay oo qofna qof uusan uugu ahayn magan, qofkastaa ka noqon kara madax,qofkastaa hanti kasamaysan kara,waa meel aywada leeyihiin dadka soomaaliyeed.taa macnaheedu waxaa weeye meel kastoo laga dhigo waa meel soomaalidu wada leedahay, gobol iyo dagmo iyo tuulo iyo beel gaar u sheegan kartaana majirto kol hadii caasimad layiri. hadaba soomaaliland deegaankeeda danbaa uugu jirta dawlada soomaaliyeed iyo shacabkaba oo waa meel nabad ah waana fursad.

Markaa waa in loo fahmaa in caasimad tahay mid qofkastaa oo soomaali ah ay tahay wax uu leeyahay oo aan laga lahayn.muhiimadu waa dawladnimo soomaaliyeed iyo sharci iyo kala danbayn in lahelo oo soomaaliya ay asaageedii ay ka hartay ka daba tagto hada.wax fiican ayaan ka rajaynaynaa wada hadalka culus oo dhacaya dhawaan. soomaaliya waxay usocotaa maalinba maalinta ka danbaysa hormar nabad iyo nolol waana guulaysanaysaa cadawga soomaaliyeedna waa jabayaa.

Gabagabadii iyo gunaanadkii

Kol hadii Soomaaliland qabto in markooda loogu abaal gudo in loo yimaado,maadaama is raacii hore iyagu yimaadeen koonfurta soomaaliya,waxna lawada dhistay.iyadoo laga duulayo dhibkii dhacay xiligii dawladii dhexe burburtay,kadibna ay Soomaaliland la soo noqotay isku biiristii hore oo ay noqdeen dawlad gaara, oo ka go an soomaalida inteeda kale. Haday dalbadeen in looyimaad caasimadana ay noqoto magaalo kamid ah soomaaliland,waxaa haboon in la yeelo wax kasta oo soomaali midaynaya.Laakiin si kastaba ha ahaatee waxaan rajaynaynaa in soomaaliya heshiiso oo midowdo,noqotana dawlad ku leh haybad iyo karaamo caalamka siday shalay ahaydba.

waxaana la rabaa in dadka laysu soo dhaweeyo soomaaliyeed lahelana dawladnimo buuxda oo hanata dalka oo dhan lana tartanta dalalka dariska ah iyo caalamkoo dhan.

By:- Liiban Ali

LEAVE A REPLY