Kismaanyo Oo Ka Hartay Tacliinda Iyo Iskoolada Ajaanibtu Maalgaliyeen Ee Ka Jira Soomaaliya

0
100

MUQDISHO:- Iskoolka Turkiga ee Mogdisho maanshaa allaah.                                        iskoolka Turkiga ee Hargaysa maanshaa allaah

Dawlad goboleedka jubaland,waxa uu dhacaa koonfurta Soomaaliya,xadna lawadaagaa dalka Kenya iyo Eithiopia.Waa dhul aad u wayn oo ah mid

leh wabiyo,dhul hawd ah oo xoolo daaqeen ah iyo xeeb aad u dheer oo rabi ku manaystay jaziirado aan ku ool xeeblada kale ee Soomaaliya.Waa halka uugu qanisan guud ahaan Soomaaliya goboladeeda oo dhan.

Jubaland waa dhulbarwaaqo oo hodan ku ah beeraha,khayraadka bada,iyo xoolaha noocyadooda kaladuwan.waxaa ka jirta dawlad leh maamul adag oo ku soo dabaalay dagaanka jubaland xasilooni iyo daganaansho. waloow ay wali kusugan yihiin meelaha qaar kooxaha nabad diidka ah,kuwaasoo mudo dheer halkaa kusugnaa iyo sanado badan. hayeeshee waxaa aad loo sugay magaalooyin badan sida Magaalada Kismaanyo amaankeeda oo lagu qabtay gacan bir ah. Guud ahaan shacabka jubaland waa u mahad celinayaa dawladooda sugida amaanka taasoo ay ku guulaysteen.Dawladan oo uu madaxwayne ka yahay Axmed madoobe waax oran karaa xaga amaanka waa ku guulaysteen intii badnayd.

Sikastaba ha ahaatee waxaa wali gaabis ah qurba joogta u dhalatay deegaanka jubaland oo kaseexday in ay soo maalgashadaan degaankoodan hodanka ah.waxaa sidaa si lamid ah gaabiyay ganaacsatadii u dhalatay Jubaland oo aan u maal gashan dhulkooda sidii laga rabay. Dawlada kuma eedayn karo iyagu amaanka ayay sugayaan shacabkaa la rabaa in uu sameeyo maalgashi iyo hormar iyo dib u dhis dalka ah maha wax walba in laga sugo dawlada taasi waa fikir aan sax ahayn oo dunidu waa hore ka tagtay oo ka gudubtay in wax walba laga sugo dawlada.

Waxaanse tuhmayaa in Madaxwayne Axmed madoobe ka gaabiyay,dhanka hormarinta tacliinta jubaland.Waxaana ku dhaliilayaa wax kale mahee waa in uu qaybtiisii jubaland ahaan kasoo qaadaa dawlada turkiga isguulaadka ay ka hirgalisay Mogdisho iyo Hargaysa maadaama caasimada sadexaad tahay dalkeena KISMANYO maxaa looga dhisi waayay iskooladaas? maxaa ka reebay labadaa magaalo kismanyo? waxaa kaloo jira dalka kuwit iskoolo uu ka dhisay Hargaysa magac hay adaba ha kusocdeene,maxaa udiiday Madaxwayne Axmed madoobe in uu mashaariicdaa iskuulada leh jiifka iyo cuntadii ardada iyo tacliintaba uu udalbi waayay?

Waxaa kamaqan Kismaanyo in ay hesho xaquuqdeedii tacliimeed oo heer caalmi ah.dawladahaas sida turkiga iyo carabtuba kuwait iyo qadar iyo emaraadku midna uuma diidin JUBLAND in ay ka hirgaliyeen boading school nooc kasta leh.waxaase aan jirin cid arimahaasiba xanuun ku hayaan oo waydiistay ama ka codsaday. wax qiimo leh oo tacliin ahi kama jirto JUBALAND!! dhalinyaradoodu waa dad aad u danbeeya oo aan lahayn aqoon waana wax laga xumaado.Kenya waa dal leh dhanka aqoonta nidaam wanaagsan xataa lagama soo qaadan jaamacado iyo iskoolo lagu hormariyo jubaland. dawladu waa in ay wixii dawlado ku xiran ka shaqaysaa.dadka maal qabeenka ahina waa in ay samaystaan jaamacado iyo iskoolo leh waxtar iyo aqoon la hubsaday oo nacfi u leh deegaanka qofkii kasoobaxaana uu lee yahay aqoon uu isku hubo anfacdana aayihiisa. lamana rabo sida MOGDISHO ka jirta aqoon liidata oo nin walbaa laba qol inta furtay yiri waa jaamacad sidaa lama doonayo,wax lahubiyay oo heer caalmi la jaan qaadayaa larabaa.

Waxaa jubaland kamaqan wixii uugu muhiimsanaa hormarkooda waana nasiib daro aad u wayn,hadaba waxaan ku talin lahaa in shacab iyo dawladba meesha layska qaado,loona jihaysto wax barasho.dadaalaa waa gaaraa.

Madaxwayne Siiraanyo oo gudoomay mashruuca iskoolka kuwait ku deeqday.maanshaa allaah.wanaaga iyo khayrka waa laysaga daydaa laguna tartamaa adoon ka xumaan marnaba hormarka uu gaaray walaalkaa.hadafkaygu waa kismaanyooy waa hurudaa dhanka aqoonta.

By.Liiban Ali

LEAVE A REPLY