MADAXWEYNE FARMAAJO: HAREERAHAAGA EEG

0
82

MUQDISHO:- Todobaadkii aanu soo dhaafnay gaar ahaan maalintii khamiista oo bishan February aheyd 8 sannadkan 2018-ka waxaa mudo sannad ah ay u buuxsantay talada dalka intii uu hayey Madaxweyne Maxamed Cabdulahi Farmaajo.

Mudaddaa sannadka ah ee uu kursiga ku fadhiyey madaxweynaha waxii u qabsoomay iyo waxii aan u qabsoomin ee uu ka il duufay faalooyin kala duwan oo qaarna lagu taageerayey qaarna lagu dhaliilayey ayaa saxafiyiin iyo dad kale oo qeybaha bulshada ka kooban ay ka bixiyeen.

Haddaba waxaan jeclahay shaqsiyan ka muwaadin soomaaliyeed ahaan in aan qoraalkan ku iftiimiyo meelaha aan is leeyahay Madaxweynahu waxa ay aheyd inuu wax ka qabto waxaana aan si gaar ah diirada u saarayaa mid la xiriirta xulashadiisa dadka la taliyeyaasha u ah kuwaas oo waqtiga ay la shaqeynayeen madaxweynaha oo mudo sannad ah oo aan u fiirsanayey ay iiga soo baxday in raggaas Madaxweynahu ay lugaha u galiyeen qaladaad badan oo dhab ahaan hoos u dhigay taageeradii badneyd ee shacbigu ay u hayeen iyadoo ay jirto sannad ka hor qoraal aan qoray kaga hadlay madaxweyne farmaajo inuu aad uga feejignaado inuu soo dhaweysto Guul wadayaal Been ku harqiya oo wax talo ah oo wanaagsan aan kusoo kordhin karin waxaana muuqata in waxii aan ka digayey ay soo baxeen.

Ka sakow shaqsiyan waxaa jirta in dad badan oo aan arimahaas wax ka weeydiiyey ay isku raceen 95% dhibaatada ugu weyn ee Madaxweynaha haysata in ay tahay ragga la taliyeyaasha u ah.

Sideedaba waxaa la yiraahdaa Aqoontaada iyo waayo-aragnimadaada inta ay doonto ha le’ekaato, haddana marna kama maarantid talooyinka iyo la-tashiga dadka indheer garadka ah.

khubarada waaweyn ee dhinaca siyaasada wax ka qora ayaa marka ay ka hadlayaan ninka madaxda ah ee guuleysta iyo kan guul dareysta waxa ay sheegaan in inta badan hogaamiyaha guuleysta waxyaabaha ugu waaweyn ee alle ka sakow guulaha gaarsiiyey ay yahiin dadka ku xeeran ee la taliyeyaasha u ah kuwaas oo aqoontooda,kartidooda,wadaniyadooda iyo indheer garadnimadooda lagu soo xulo iyadoo dhinaca kalena hogaamiyaha guul dareysta isagana waxa guul darada ugu wacan ay tahay inuu soo xushay la taliyeyaal liita oo keliya u nacam leeya guul wadayaal ah hogaamiyaha wax talo ah aan ku biirin karin aqoon ahaan iyo caqli ahaanba liita.

Madaxweyne Farmaajo ragga la taliyeyaasha uu u xushay talooyinka guracan ee ay siiyeen waxaa laga xusi karayaa in dhawr jeer Madaxweynaha isagoo Tuute gashan uu warbaahinta kasoo muuqday isagoo dagaal aan wax qorshe ah la socon ku dhawaaqay haba yaraateena wax arintaas ka hir galayna ma jirin waxaana taladooda ka muuqatay deg deg iyo mid bilaa qorsho ah.

Ragga ku hareereysan Madaxweynaha talooyinka kale ee aadka u foosha xumaa ee ay siiyeen waxaa ka mid ah talaabadii dawladdu ay ku dhiibtay muwaadinka soomaaliyeed Cabdikariin Sheekh Muuse “Qalbi Dhagax” oo isagoo dhulkiisa hooyo jooga cadawga Itoobiya loogu gacan geliyey waxaana arintaas Madaxweyne Farmaajo ay ku noqotay utun ku taagan oo si xoog leh u dhaawacday sumcadiisa.

Sidoo kale waxaa iydana talo aad u xun aheyd in raggaas ay Madaxweynaha kula taliyeen inuu ka aamuso arintaas iyadoo shacbiga oo arintaas inuu ka hadlo aad u doonayane uu dhegaha ka furaysto.

Dhinaca kalena Madaxweynahu mudadaa sannadka ah ee xafiiska joogay meelaha dhibaatada ka haysata waxaa ka mid ah in uusan laheyn dad u diyaariya oo u qora khudbdaha uu ummadda u jeediyo iyadoo Madaxtooyada dhalinyarada u qaabilsan dhinaca saxaafada qaabka ay usoo tabiyaan shaqooyinka madaxweynaha uu qabto ay tahay mid aad u liidata waxaana ka muuqata in aqoontooda dhinaca saxaafada iyo khibrad ahaanba in aysan u dhisneyn.

Arimaha kale ee cadeynaya qaab darada nimanka la taliyeyaasha u ah Madaxweynaha waxaa ka hadlay Taliyahii hore ee nabad sugida soomaaliya Sanbalooshe oo ah nin wax badan og waxaana cisho daweyd mar uu wareysi siiyey idaacada iyo telefishanka Goob joog uu farta ku fiiqay tayo xumida ragga madaxweynaha ku hareeraysan waxaana uu yiri sidan:

Milkiilayaasha kooxo la yiraahdo oo xiligii olalaha uu ku jirey Mudane Farmaajo ka ag dhawaa ayaa Madaxweynaha ku maran ama ku dhegan rikaato ama af duub ku haysta tahdiid iyo handaad ku haaya waxaana ay yiraahdaan meeshaan kaa keenay waad ogtahay.

Gees kalena hadii aan dib u milicsano Madaxweyne Farmaajo sida la xusuusan yahay xiligii uu Ra’iisal wasaaraha ahaa taageerada shacbiga mudo lix bilood ayuu ku kasbaday waxaana la oran karayaa guushaas waxa usoo jiiday illaahay ka sakow in ay aheyd isagoo soo xushay koox xul ah oo la taliyeyaasha iyo golaha wasiirada ka koobnaa oo shaqooyin lagu diirsaday qabtay waxaase haatan muuqata in Madaxweynahu talaabadaas uu horey ugu guuleystay uu meel iska dhigay waqtigana uu isku hareereeyay kooxo danley ah oo xaqiiqdii meel mugdi ah ku hogaaminaya.

Ugu dambayntii Madaxweyne Farmaajo weli fursad ayuu haystaa uu ku sixi karo qaladaadka ka dhacay mudadan sannadka ah ee uu xafiiska fadhiyey waana muhiim inuu hareerahiisa eego oo uu dib u xisaabtamo.

Indheergarad ayaa la weydiiyey; “La-tashigu muxuu faa’iido leeyahay?” Wuxuu ku jawaabay oo yiri; “La-tashigu waa adiga oo dadka kale garaadkooda daaliyey adna si fudud u faa’iiday.”

Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

By.Abdulahi Nur Colombo

LEAVE A REPLY