Ellen Johnson Sirleaf oo ku guuleysatay Malaayiin dollar oo abaal marin ah

0
77

LIBERIA:- Madaxweynihii hore ee dalka Liberia Ellen Johnson Sirleaf ayaa ku guuleysatay abaalmarinta Mo Ibrahim ee la siiyo hoggaamiyeyaasha wanaagsan ee Afrika.

Sirlief oo xilka ka degtay bishii hore ayaa waxa ay heleysaa lacag dhan $5 milyan doolar oo abaalmarinta la socota.

Abaalmarinta ayaa waxa bixiya sanad kasta Maxamed Ibraahim oo ah nin taajir ah oo u dhashay dalka Suudaan, wuxuuna ku dhiirogaliyaa hoggaaminta wanaagsan ee Afrika.

Guddiga abaalmarinta ayaa sheegay in Liberia ay ka tahay dalka kaliya ee dhinac kasta oo laga qiimeeyay horumar ka sameeyay.

Waa qofkii shanaad oo abaalmarintan hela tan iyo sanadkii 2007-dii.

Lacagta abaalmarinta ayaa waxa ay kis kis ugu heleysaa muddo 10 sano ah, waxaanan xigi doonaa lacag $200 kun ah sanad kasta inta nolosheeda ka dhiman.

LEAVE A REPLY