Wasiir isaga haray Doorashada Kursi ka banaan Aqalka hoose iyo Sababta ka dambeeysa

0
77

KISMAAYO:- Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska Xukuumadda Soomaaliya Saadaq C/llaahi Cabdi ayaa isaga haray doorashada kursi ka banaan aqalka hoose ee Baarlamaanka oo doorashadiisa lagu wado in ay ka dhacdo magaalada Kismaayo.

Kursigan ka banaan Aqalka hoose waxaa ka geeriyooday Xildhibaan Cabaas Sheekh Siraaji oo lagu dilay magaalada Muqdisho, waxaana kursigan oo dhoor bilood banaanaa doorashadiisa dhawaan lagu qabanayaa Kismaayo.

Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska Xukuumadda Soomaaliya Saadaq C/llaahi Cabdi ayaa kamid ahaa xubnaha kursigan isku soo sharaxay, hasa ahaatee Wasiirka ayaa la kulmay cadaadis xoogan laguna amray in uu doorasada kursigaasi isaga haro.

Madaxtooyada Soomaaliya iyo sidoo kale Madaxtooyada maamulka Jubbaland ayaa cadaadis ku saaray Wasiir Saadaq in uu ka haro doorashada kursigan Xildhibaanimo, waxaana loo sameeyay balan qaadyo kale.

Kursigan waxaa u tartamaya nin dhalinyaro ah oo la dhashay Xildhibaankii horey uga geeriyooday, waxaana dhawaan Kismayao si diiran loogu soo dhaweeyay Maxamuud Sheekh Siraaji oo kursigan u tartamaya.

Doorashada kursigan ayaa la sheegay in aysan xamaasad badan laheyn, waxaana kursigan ku tartamaya Maxamuud Sheekh Siraaji iyo Musharax kale oo la sheegay in qaab malxiis ahaan oo kale kursigan

LEAVE A REPLY